LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Warbixin: Mas’uuliyiinta Real Madrid Oo U Doofay Roma Iyo Mauro Icardi Oo Ku Soo Biiri Kara Bernabeu

Real Madrid waxa ay diyaar u yihiin qarash gareynta dhaqaalihii badnaa ee ay ka helen iibintii Cristiano Ronaldo waxa ayna ku raad joogaan Mauro Icardi.

Madrid waxa ay Ronaldo u ogolaatay in uu aado Juventus kaddib 9 sano oo guulo badnaa oo uu ku sugnaa Bernabeu, laakiin iminka waxaa ka maqan Los Blancos dhaliye weyn.

Iyada oo uu xirmay suuqa kala iibsiga ee kooxaha Premier League, kuwa La Liga ilaa iyo dhammaadka bisha Agoosto wey la soo wareegi karaan ciyaaryahanno.

Sida laga soo xiganayo majaladda Spain ka soo baxda ee Libertad Digital, mas’uuliyiinta Madrid waxa ay u doofeen Roma si ay wadaxaajood uga soo galaan arinta Icardi.

Heshiis waxaa gadaal ka riixeysa xaaska Icardi, Wanda Nara oo rabta in Icardi aado Real Madrid.

Real Madrid aad ayey taxadar uga jirtaa weerarka laacibkii, wali ma hubto in baahi ay weyn ay ka jirto halkaas laakiin waxa ay walaac ka qabtaa khadka dhexe.

Los Blancos waxa ay u fasaxday Mateo Kovavic in uu amaah ugu wareego Chelsea xilli Luka Modric uu aad u doonayo in uu isna tago.

Waxaa sidoo kale ka mid ah qorshaha joogista Madrid ee Roma in ay Modric ka iibiso Inter oo uu aad u doonayo waxa ayna badalkiisa isha ku hayaan Sergej Milinkovic-Savic.

Laacibka reer Croatia waxa uu ka mid yahay xiddigaha loogu doonista badan yahay kubadda cagta xilligan laakiin kooxo badan oo England ah ayaa bixin waayey qiimaha lagu rabo.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *