LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Warbixin: Manchester United Oo La Kulantay Wakiilada Willian

Manchester United waxa ay la kulantay wakiilada Willian xilli uu Jose Mourinho isku dayayo in uu Brazilian-ka la soo saxiixdo.

Waxaa la wada ogyahay sida uu u jecel yahay Mourinho Willian walow uu si cad u sheegay in United aysan la soo saxiixan doonin weeraryahan.

Tababaraha Manchester United xiriir wanaagsan ayuu Willian kula lahaa Stamford Bridge isaga ooh ore ugu saxiixay Chelsea.

Sida laga soo xiganayo Manchester Evening News, mas’uuliyiinta Mancehster United waxa ay wadahdallo ayaa rasmi ahayn la yeesheen wakiiladda Willian.

Jose Mourinho waxa uu rabay in uu xagaagii hore la soo saxiixdo Willian balse waxaa lagu qasbay in uu diiradda saaro Ivan Perisic.

Qandaraaska uu Willian kula jiro Chelsea waxa uu dhacayaa 2020-ka balse waxa uu hore u sheegay in uu ku jah wareersan yahay galbeedka London.

United waxa ay Alexis Sanchez bishii Janaayo kala soo wareegtay Arsenal balse garabka middig waxa ay u bidhaansatay Willian.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII