LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Warbaahinta Ingiriiska Oo Kashifay Xiddiga Ka Ciyaara Premier League Ee Ay U Dhaqaaqi Doonto Real Madrid Hadii Ay Weyso Eden Hazard.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa hadal haya sheeko ku saabsan kalluumeysiga ay horyaalka Premier League ku heyso laacibkii Real Madrid, waxeyna soo warinayaan in xiddiga reer England Raheem Sterling uu yahay dooqooda labaad hadii ay waayaan Eden Hazard.

23-jirkaan heerka caalami ee ka tirsan Citizens ayaa kula jira kooxdiisa heshiis dhamaanaya 2020, walina ma jirto saan-saan looga saxiixayo heshiis cusub oo laacibkii kusii heynaya waqti badan.

Kooxda difaacaneysa koobka Champions League waxey u baahan tahay iney hesho badal fiican oo ay kaga maaranto Cristiano Ronaldo, waxaana u calaameysan tiro ciyaratoy ah oo uu ku jiro Eden Hazard oo qudhiisa soo banaan bixiyay jaceylka uu kooxdaas u qabo.

Sida lagu daabacay Mirror, xiddigii hore Liverpool waa dooqa labaad ee Florentino Perez hadii uu waayo Eden Hazard, waxeyna sheekadaan cadaadiska ku badineysaa Citizens oo si gaabis ah u waday maalmahii dambe qorshaha ay heshiiska cusub uga saxiixeyso.

Hazard isbuucaan wuxuu mar kale ku celiyay iney riyadiisa tahay caasimadda, waxaa sidoo kale liiska Los Blancos ku jira labada xiddig ee Paris Saint Germain Neymar Junior iyo Kylian Mbappe, mana ka marna Paulo Dybala oo ka tirsan Juventus.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII