LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

War aan u fiicneyn taageerayaasha Blues:- Chelsea oo loolan ku aadan bedelka Conte kala kulmeysa PSG.

Chelsea ayaa tartan weyn kala kulmi doonta Paris Saint-Germain, si ay tababare ugu magacawdo tababarihii hore ee Barcelona Luis Enrique.

Khabiirka kubbada cagta Spain Guillem Balague ayaa sheegtay in 47-jirkan uu soo jiitay wakiilada labada kooxood, ayna u arkaan inay xagaaga dambe labadooda midkood magacawdo.

Tababaraha haatan ee Chelsea Antonio Conte oo heshiis labo sanno ah u saxiixay laacibkii ka dhisan Stamford Bridge, bishii July 2017, lakiin waxa uu si aad ah loola xiriirinayay inuu laacibkii ka tagayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

“Waxa ay noqon doontaa xiiso u dhaxeeya labadooda, sababtoo ah waa koox awood leh ” ayuu Balague u sheegay Sky Sports.

“Waxa uu baranayay Ingiriiska muddo gaaban, waxaana uu ii sheegay xilli hore inuu ku faraxsan yahay Premier League, lakiin mustaqbalkiisa weli lama go’aamin karo.”

Enrique ayaa ka tagay Barcelona dhamaadkii xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ka dib markii uu ku guuleystay sagaal koob oo waa weyn intii uu ku sugnaa garoonka Nou Camp.

Waxa uu go’aansaday inuu sanad ka nasto ciyaaraha, laakiin wuxuu doonayaa inuu dib ugu laabto shaqada maamulka xagaagan, Balague ayaana sheegay in Enrique uu sidoo kale dalabyo ka heli karo meelo kale.

“Luis Enrique wuxuu doonayaa inuu noqdo tababare heer sarre ah, waxaana uu fursad u heystaa inuu PSG ama Chelsea ka qabto shaqo.

“Laakiin ma jirto wax go’aan ah oo haatan la gaaray, sababtoo ah kooxo badan ayaa xiiseynaya xilli ciyaareedka dambe isaga.”


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII