LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Waqtigii Ay Barcelona U Qabatay In Liverpool Ay Aqbasho Dalabka Coutinho Oo La Gudbay, Maxaase Xigi Doona?

Liverpool ayaa ku faraxsan in la dhaafo waqtigii kama dambeysta ahaa ee ay Barcelona u qabatay in lagu aqbal dalabka kubad sameeyaha reer Brazil Philippe Coutinho sida ay sheegeen warbaahinta wadanka ingiriiska gaar ahaan Daily Mail.

Balaugrana ayaa soo gudbisay dalab 72 Malyan ah waa la diida, mar kale ayey gudbisay 90 Malyan – isna waa la diiday balse jimcadii ayey gudbiyeen dalab dhan 113 Malyan.

Kooxda ka dhisan gobolka Catalan waxey qabatay muddo ay qasab tahay iney Liverpool ku aqbasho dalabka waxeyna ku ekeed 7pm xiliga UK ee xalay.

Balse Fenway Sports Group ayaa wali ku adkeysanaya ineysan iibin doonin xidigooda ugu sareeya.

Daily Mail ayaa qortay in Liverpool ay si daran ugu faraxsan tahay in la gudbo waqtigii ay u qabatay Barcelona iyagoo rajeynaya iney isaga harto arinta xidigii hore Inter Milan.

Maxaa La Filayaa?

Lama oga waxa ay sameyn doonto Barcelona balse warbaahinta Ingiriiska waxey qirayaan in xidiga reer Brazil uu kooxdiisa ku cadaadinayo in laga iibiyo Barcelona.

Kaliya arinka cabsida leh wuxuu yahay in Barcelona ay raqiisiso dalabka xidigaan sidoo kalana Philippe Coutinho uu ka awood badiyo maamulka Liverpool taasoo qasaaro xoog leh ku noqon karta laacibkii ka dhisan Anfield Road.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII