LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

“Waan is caataynayaa adigana dhibco badan u keen Man United” – Wariyihii uu caayay Van Gaal oo soo jawaabay (Muuqaal)!

(Manchester) 15 Jan 2016 Neil Custis oo ah wariye ka tirsan The Sun ayaa aflagaado kala kulmay isbuucaan gudihiisa tababaraha laacibkii Man United Louis Van Gaal kaas oo ku tilmaamay nin buuran.

Wariyahaan ayaa dhawr jeer wax ka waydiiyay arimaha Rooney kadib barbarihii Newcastle United balse Van Gaal ayaa carooday wuxuuna sheegay in isagu uusan ahayn qofka eedeeyay Rooney oo ay tahay saxaafada cida eeda la daba joogta Rooney.

Xili uu sii baxayay ayuu soo jeestay Van Gaal wuxuuna ku yiri Neil Custis “adigana waad ka midtahay ninka cayilan” balse hadalkii Van Gaal ayaa abuuray loolan cusub.

Bogga hore ee The Sun ayaa lagu soo daabacay waraysi gaar ah oo uu bixiyay wariyihii uu caayay Van Gaal kaas oo yiri:

“Waa sax oo waan cayilanahay waxaanan isku dayi doonaa inaan iscaateeyo, laakiin ugu yaraan haddii aan fashilmo waan qiran lahaa fashilkayga”.

Neil Custis ayaa caawa shaaciyay inuu bilaabay loolan cusub oo uu la galayo tababaraha Man United Louis Van Gaal kaas oo ah inuu is caateeyo isaguna uu dhibco badan u keeno Man United inta ka harsan xiliciyaareed kan.

Gool FM


Source: New feed

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII