LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Waa Sidee Xaalada Dhaawacyada Luis Suarez Iyo Arthur Melo? Miyay Barcelona Dib U Heli Doontaa Kulanka Muhiimka Ah Ee Derby Catalonia?

Xiddigaha muhiimka ka ah laacibkii Barcelona ee Luis Suarez iyo Arthur Melo ayaa si wanaagsan uga soo kabanaya dhaawacayadii ay dhawaanahay kaga maqnaayeen safka laacibkii, Soo kabashada wanaagsan ee xiddigahan ayaa ah mid kusoo beegmaysa xilli ay Barca Sabtida ciyaari doonto kulanka Derby Catalonia.

Arthur ayaa ku dhibtooday dhaawac kasoo gaadhay kulankii ay kooxdiisu la yeelatay Atletico Madrid markaas oo uu muruqa dhaawacu kaga yimid, Intaa kaddib, Khadkan dhexe ayaa dhaawac ku seegay saddexda kulan ee kala ah PSV, Villarreal iyo Cultural Leonesa oo ay kala ciyaareen tartamada UCL, Liga iyo Copa respectively

Suárez y Arthur durante un entrenamiento

Suárez y Arthur durante un entrenamiento

Xaalada Suarez ayaa ah mid sidaa ka duwan, Weeraryahanka ree Uruguay ayaa bilaabay daawaynta dhibaato uu ka qabay jilibka waxaana la filayaa inuu taam buuxa u noqon doona kulanka Espanyol kaddib markii uu laba toddobaad garoomada ka maqnaa.

Si guud ahaaneed Luisito iyo Arthur ayaa la filayaa inay taam buuxa u noqdaan kulanka Derby Catalonia balse waxaan la hubin haddii tababare Ernesto Valverde uu kusoo bilaabi doono shaxdiisa xiddigo haatan uun dhaawac kasoo laabtay.

Vidal ayaa kamid ahaa xiddigaha maanta oo Khamiis ah si caadi ah u qaatay tababarka buuxa ee laacibkii kaddib xumad uu ku seegay kulankii Copa Del Rey ee Cultural Leonesa.

Si kastaba ha ahaatee, Soo laabashada Arthur Melo ayaa tilmaamaysa in Valverde uu dhammaan haysan doono xiddigaha khadka dhexe ee kooxdiisa marka laga reebo Rafinha oo dhaawac mudo dheer ah loo diray.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII