LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Waa kuma garoonka marti galin doono kama dambeesta Copa del Rey 2018

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Kooxda Barcelona iyo Sevilla ayaa isugu soo hareen kama dambeesta Copa del Rey 2018 labadaan naadi mid ayaa hanan doono koobka ugu horeeyo Spain 2018 laga bixinaayo.

Haatan waxaa shaaca laga qaaday garoonka Wanda Metropolitano ee naadiga Atletico Madrid ku cayaarto in Fiinaalaha Copa del Rey lagu cayaari doono 21 April 2018.

Barcelona wey ka heshaa inay ku cayaarto garoonka Atletico Madrid waxayna horey 2-0 koobkan kaga qaaday Sevilla mar lagu cayaaray garoonkii hore Vicente Calderon waxaana goolasha dhaliyeen Neymar iyo Jordi Alba kadib waqti dheer ah oo lagu daray.

Barcelona Fiinaalaha Copa del Rey waxay u gudubtay ayadoo naadiga Valencia 2-0 isku darka labada lug kasoo baxday.

Sevilla iyadana kama dambeesta koobkan waxay kusoo gaartay inay Semi Fiinaalihii soo reebtay naadiga Leganes 3-1 isku darka labada lug.

Barcelona 5-sano oo xariir ah ayay Fiinaal timid ayadoo taariikh ka sameesay koobkan 116-sano la cayaarayo halka Sevilla ay tahay naadi dhawaanahan baratay sida Fiinaalaha loo soo gaaro ayadoo 17-fiinaal imaaday dhamaan tartamada kala duwan tan iyo sanadii 2006 ilaa haatan.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII