LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Waa Kee Garsooraha Dhex-Dhexaadin Doona Kulanka Derby d’Italia? & Sababta Ay Jamaahiirta Ugu Faraxsan Yahiin.

Habeen dambe waxaa jira kulan lasoo hormariyay oo ka tirsan kulamada 15-aad ee horyaalka talyaaniga, wuxuuna dhexmari doonaa labada kooxood ee cadaawadda ba’an isku qaba Juventus iyo Inter Milan, si kastaba waxaa lasoo saaray liiska garsoorayaasha dhex-dhexaadin doona kulamada isbuuca.,

Kulankaas xiisaha badan leh waxaa dhex-dhexaadin doona Massimiliano Irrati kaas oo ay jamaahiirta Inter Milan ku farxeen maadaama kulankii uu fasalkaan garsooray kulamada kooxooda ay guul gaareen, waxeyna 3-0 ku dileen laacibkii Lazio.

Sababtaas ayeyna ugu faraxsan yahiin in garsoorahaan loo magacaabo, walow labadii kulan oo ay Juve la ciyaareen fasalkii hore ay heleen 1-dhibic oo qura.

Sidoo kale Marco Guida ayaa masuul ka noqon doona aaladda VAR oo fasalkaan laga adeegsanayo Serie A-da, dhinaca kale Gianluca Manganiello ayaa garsoore ka noqon doona kulanka ay Napoli booqan doonto Frosinone.

Gianluca Rocchi iyo Michael Fabbri ayaa helay fasax isbuucaan kadib markii ay garsooreen kulankii 2-2 ku dhamaaday ee Inter Milan & As Roma markaas oo go’aanno muran badan laga keenay ay qaateen.

LIISKA KULAMADA ISBUUCA 15-AAD IYO GARSOORAYAASHA:

Juventus-Inter: Irrati

Napoli-Frosinone: Manganiello

Cagliari-Roma: Mazzoleni

Lazio-Sampdoria: Massa

Sassuolo-Fiorentina: Chiffi

Empoli-Bologna: Valeri

Parma-Chievo: La Penna

Udinese-Atalanta: Calvarese

Genoa-SPAL: Pasqua

Milan-Torino: Orsato


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII