LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

UEFA Oo Shaacisay Sare U Kac Weyn Oo Lagu Sameeyey Lacagta La Siin Doono Dalalka Ka Qayb-gelaya Tartanka Nations League

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa ku dhowaaqay inuu sare ku kac weyn ku sameeyey lacagtii loogu talo galay in la siiyo dalalka ka qayb-gelaya tartanka UEFA Nations League oo markiisii ugu horreeyey laga hirgeliyey qaaraddaas.

Dhamaan dalalka 55-ka ah ee ka qayb gelaya Nations League ayaa heli doona lacag badan oo aanay markii hore filaynin, taas oo lagu sallayn doono natiijooyinka ay ka keenaan kulamadooda oo kasoo bilaabmaya marxaladda koowaad ee Group-yada illaa kulanka Finalka.

Dalka ku guuleysta tartanka ayaa waxa uu heli doonaa 10.5 milyan Euro, taas oo ka badan lacagtii markii hore loogu talo galay oo ahayd 7.5 milyan Euro.

Lacagtan ay kordhisay uefa ayaa ka dhigan in dakhligeedu uu si weyn sare ugu kacay laga soo bilaabo Euro 2016, waxaana sidoo kale la kordhin doonaa lacagta la siin doono dalalka qaaraddaas ee ka qayb-geli doona Euro 2020.

Tartanka UEFA  Nationals League oo ka duwan dhamaan tartamada kale ee dunida ayaa waxa uu u qaybsan yahay afar tartan oo is garab socda oo lagu salleeyey qiimaynta dalalka ee sannadihii u dambeeyey, waxaana qaybta koowaad oo oo yaqaano LLeague A uu ka kooban yahay 12 kooxood, League B ayaa isaguna ah 15 waddan halka League C iyo D ay yihiin min 16 dal.

Lacagta la siinayo afarta dal ee kaalmaha koowaad ka gala afartan tartan-qaybeed ayaa waxa lacagta ay qaadanayaan la kordhin doonaa boqolkiiba konton (50%).

Afarta waddan ee ugu sarreeya qayb walba, waxay si toos ah iyagoon isreeb-reeb gelin uga qayb-geli doonaan Euro 2020, tartantankana lasoo gebogabayn doono June 2019.

Sidoo Kale Akhri:  Kulamada Caawa La Ciyaarayo Tartanka UEFA Nations League Iyo Kuwa Saaxiibtinimo Iyo Waqtiga Ay Soo Galayaan


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII