LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Tababare Premier League Ah Oo Ka Careysan In 89 Jeer Oo Isku Xigta Si Sir Loogu Baahiyay Twitter Safka Kooxdiisa Ka Hor Inta Uusan Xitaa U Sheegin Ciyaartoydiisa

Manuel Pellegini ayaa ka careysan in akoon Twitter uu si sax ah u baahinayo shaxdiisa xilli hore taasoo fursad weyn siineysa kooxaha kale ee ka soo horjeeda.

Pellegrini oo 64 sanno jir ah ayaa lagu wargeliyay in akoonka Twitter @ExWHUemployee, inuu si sax ah 89 jeer oo isku xigta baahiyay safka laacibkii West Ham ka hor inta aan si rasmi ah loo shaacinin.

Wargeyska The Times ayaa shaaca ka qaaday in tababaaha West Ham uu ka walaacsan yahay in akoonkaan Twitter uu ka warqabo safkiisa ka hor xitaa inta aan ciyaartoyda loo sheegin qofka ciyaarayo iyo qofka keydka gelaya.

Waxaana uu haatan bilaabay baaritaan si uu helo qofka bixinaya sirtiisa.

Pellegrini ayaa afar saacadood ka hor ciyaar walba waxa uu qabtaa kulan uu laacibkii ku wargelinayo safkiisa.

Laakiin akoonka Twitter ee @ExWHUemployee oo ay la socdaan in ka badan 50 kun taageerayaal ah ayaa sii baahiya safka laacibkii waqti ka sii horeeya.

West Ham ayaa laga badiyay dhamaan afartii kulan ee ay ciyaareen Premier League xilli ciyaareedkan. Waxa ay xilli ciyaareedka ku bilowdeen guuldarro 4-0 oo ka soo gaartay Liverpool ka dib waxaa ka badisay Bournemouth iyo Arsenal ka hor inta uusan Adama Traore gool xilliga dhimashada ka dhalinin oo aysan Wolves seddexda dhibcood ka qaadanin.

West Ham ayaa ah haatan laacibkii ugu hooseysa horyaalka iyadoo aan laheyn wax dhibic ah.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *