LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Tababare Jose Mourinho Oo Soo Daawaday Kulankii Belgium vs Iceland & Xiddigii Uu Kulankaas Sababtiisa Ugu Daawasho Tagay Oo Daaha Laga Qaaday.

Tababaraha laacibkii Manchester United ee Jose Mourinho oo la fahamsan yahay inuu si xoogan ugu hawlan yahay saxeexyada uu samayn doono suuqa kala iibsiga ee Bisha January ayaa xalay soo daawaday kulankii dhex maray xulalka Belgium iyo Iceland.

Man United ayaa qaab niyad jab leh ku bilaabatay horyaalka xilli ciyaareedkan waxaan ay booska siddeedaad ka fadhiyaan miiska kala sarreynta Premier League kaddib guuldaro 3-1 ah oo kasoo gaadhay deriskooda Manchester City.

Did you see where Jose Mourinho was spotted last night? Man Utd boss on scouting mission

Did you see where Jose Mourinho was spotted last night? Man Utd boss on scouting mission

Daafaca laacibkii Tottenham ee Toby Alderweireld ayaa oo lagu sheegay xiddiga halka ugu sarreysa kaga jira xiddigaha uu Mourinho doonayo ayaa ah xiddiga la filayo in tababaraha ree Portugal uu kulankaas u daawasho tagay.

Alderweireld ayuu qandaraaskiisa laacibkii Tottenham dhacayaa suuqa xagaaga dambe waxaana bisha January kaliya lagula saxeexan karaa qiimo aad u jaban marka loo eego xiddig heerkiisa ah oo dhan 25 Milyan.

Spurs ayaa la filayaa inay muhiimada siin doonaan sidii ay xiddigan lacag ugu heli lahaayeen January halkii ay qaab xor ah kuwaayi lahaayeen suuqa xagaaga dambe.

Mourinho ayaa kamid noqon kara shaqsiyaadka ugu horreeya ee daafac ka gudbiya dalabaadka kaddib markii uu si fiican ugaga soo bogtay kulankaas.

Red Devils oo la aaminsan yahay in muhiimadooda koowaad ay tahay helista daafac dhexe oo xasiliya safka daafaca ayaa sidoo kale lala xidhiidhinaya xiddigaha Milan Skriniar iyo Nikola Milenkovic oo ka kala tirsan Inter Milan iyo Fiorentina sida ay u kala horreeyaan.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *