LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Tababare Jose Mourinho Oo Diyaar U Ah Inuu Saxiixo Heshiis Cusub Oo Ku Kacaya Aduun Dhan 65 Malyan Oo Pound.

Man United ayaa dooneysa iney heshiis cusub ku abaalmariso tababare Jose Mourinho kadib bilowgii fiicnaa ee xilli ciyaareedkaan iyadoo lasoo warinayo in macalinka reer Portugal uu diyaar u yahay inuu waqti badan joogo Old Trafford.

Maamulka Red Devils ayaa doonaya iney Jose Mourinho ku hayaan laacibkii in badan koox walba oo uu soo maamulay waayahiisa ciyaaraha, waxeyna doonayaan iney jeebka ugu shubaan aduun dhan 65 Malyan oo Pound mudada shanta sano ah.

54-jirkaan wuxuu sanadkii ka qaadan doonaa garoonka Old Trafford aduun dhan 13 Malyan oo Pound inkastoo aan lagu dari doonin heshiiska rasmiga ah gunooyinka uu heli doono marka uu laacibkii la gaaro guulo la taaban karo.

Mourinho kaliya sadex sano heshiis ah ayuu u saxiixay Man United markii uu kusoo biiray xagaagii 2016, balse haatan waxaa lasoo warinayaa iney kaliya dhiman tahay in lagu heshiiyo waxyaabo yaryar kadibna la shaacin doono xiliga qalinka lagu duugi doono heshiiska.

Tababarahii hore Blues wuxuu laacibkii kula guuleystay sadex koob xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay inkastoo uu kaalinta 6-aad dhaafsiin waayay horyaalka Premier League.

Red Devils si fiican ayey ku bilaabatay xilli ciyaareedkaan iyadoo safka hore kaga jirta horyaalka Premier League, balse nasiib xumo waxey farqiga goolasha kaga hooseeyaan Manchester City.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII