LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Tababare Arsene Wenger Oo Ugu Dambeyn Xaqiijiyay Waqtiga Uu Go’aanka Ka Qaadan Doono Mustaqbalkiisa Arsenal.

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Everton ku xaqiijiyay waqtiga rasmiga ah oo uu go’aan ka qaadan doono mustaqbalkiisa laacibkii ka dhisan waqooyiga London.

Saxaafadda ayaa cadaadis ku saartay inuu u sheego kulanka Everton ee Emirates inuu yahay kiisii ugu dambeeyay, balse wuxuu macalinka ku jawaabay – “Kuuma sheegi karo hadda”

“Waxaan u maleynayaa waxa noo muhiimsan anaga iney tahay inaan guuleysano kulanka aan ciyaareyno axadda”

“Kadib taas, waxa kaliya igu dhacaya maahan wax saas muhiim u ah, waxaan halkaan u joogaa inaan u adeego laacibkii waxa ugu wanaagsanna waa inaan guul gaarsiiyo kulanka xiga”

Su’aal weyn ayaa dulsaaran mustaqbalka Arsene Wenger madama milkiilaha ugu sareeya laacibkii Stan Kroenke uu kasoo duulayo mareykanka si uu kulankaas kaga qeyb galo.

“Waxaan u maleynayaa iney tahay kadib final-ka FA Cup-ka” ayuu yiri Wenger mar la weydiiyay waqtiga ugu dambeeya oo uu go’aan ka qaadan doono mustaqbalkiisa.

Ugu dambeyntiina Arsene Wenger ayaa ka dhawaajiyay inuusan hubin waxa ka dhici kara kulanka u dhaxeeya isaga iyo maamulka laacibkii.

“Ma garan karo waxa ka dhici doona kulanka, waxaa jira dhinacyo badan oo ka tirsan laacibkii ayey tahay iney la wada hadlaan maamulka”

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII