LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp oo shaaciyey in Virgil van Dijk uusan wajihi doonin kooxda Manchester City

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Tababaraha laacibkii kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa si maldahan u sheegay inuusan gacan ka geysan doonin Virgil van Dijk kulanka Premier League ee ay wajahayaan Manchester City.

Isbuucii la soo dhaafay difaaca ugu qaalisan dunida ee Van Dijk ayaa kulankiisii ugu horreeyey u saftay Reds, tan iyo markii ay 75 milyan oo gini uga soo qaateen Southampton, waxaana uu dhaliyey goolkii ay Liverpool guusha kaga qaatay Everton wareegga saddexaad ee FA Cup.

Si kastaba ha ahaatee, tababare Klopp ayaa soo jeediyey in laga yaabo inuu ka tago xiddiga heerka caalami ee dalka Holland kulanka maaliyadda Axadda ah ay soo dhaweynayaan laacibkii hoggaaminaysa horyaalka Premier League.

50-sano jirkaan ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Kulankii Everton wuxuu isagu na tusay inuu la qabsan karo shaqada, waxa uu ahaa mid cajiib ah, waa inaan sheegnaa taas, ma hubin ka hor ciyaarta, laakiin waan hubaa kaddib.”

“Kulanka City waa mid gabi ahaanba ka duwan kulamada kale, taatikada waa inay noqotaa mid sida ugu macquulsan ah, ma aanan go’aansan haddii uu diyaar u yahay.”

Man City ayaa si weyn loola xiriirinayey inay soo qaadanayso Van Dijk, ka hor inta uusan difaacan 26-sano jirka ah heshiis u saxiixin laacibkii Liverpool.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII