LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Taageerayaasha Xulka England Oo Aan La Dhicin Xiddig Arsenal Ah Oo Lagu Soo Daray Xulka England Ee Koobka Adduunka

Tababare Gareth Southgate ayaa si rasmi ah u magacaabay 23ka ciyaartoy ee uu u kaxeysanayo Koobka Adduunka ee ka dhacaya xagaagan dalka Ruushka.

Sida la filayay Jack Wilshere iyo goolhaye Joe Hart ayaa laga soo tagay.

Goolhaye Nick Pope ayaa lagu abaalmariyay wacdatihii uu dhigay xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee Premier League isagoo bedelay Hart halka Roben Loftus-Cheek uu booska ka galay Wilshere.

Daafaca Liverpol Alexandre-Arnold ayaa xulka lagu soo daray, laakiin waxa uu noqon doonaa doorashada seddexaad ee daafaca midig isagoo ka danbeyn doona Kyle Walker iyo Kieren Trippier.

Waxaa jiray warar xan ah oo sheegayay in xiddiga Leverkusen Leon Bailey in si lama filaan ah loogu soo yeerayo laakiin wararkaas waxa ay noqdeen kuwa been ah.

Soo xulashada tababare Southgate waxa ay mar walba ahaan laheyd mid feker ahaan  lagu kala qeybsamo, laakiin waxa ay taageerayaasha England intooda badan ka caroodeen hal ciyaaryahan oo xulka ka soo muuqday.

Danny Welbeck ayaa lagu soo daray xulka England inkastoo uusan xilli ciyaaredkan boos joogta ah ka helin Arsenal. Xitaa markii la ciyaarsiinayay ma uusan aheyn mid wacdarro dhigayay.

Welbeck waxa uu xulka England u saftay 37 kulan isagoo u dhaliyay 15 gool, laakiin taageerayaal badan ayaa aaminsan inuusan u qalmin in lagu soo daro xulka.

Waxaana ay dareenkooda ku soo bandhigeen Twitter.

Dan Traacey ayaa soo qoray: “Xulka England waxa uu u fiican yahay sidii laga filan karay. Inkastoo aan soo xulan lahaa 22 ciyaartoy halkii aan wadi lahaa Danny Welbeck”

Tyler ayaa isna soo qoray: “Welbeck oo aadaya Koobka Adduunka waa waxa ugu qosolka badan.”

Curtis Andre ayaa soo qoray isna: “Weclbeck waxa uu si been ah ku galay xulka kale oo Koob Adduun. Amakaaga ugu weyn ayaa ah inaan Shelvey loo soo yeerin kaasoo wacadrro dhigayay xilli ciyaareedka oo dhan, Newcastle sabab ayay kaalinta 10aad ugu jirtaa.”

Emmanuel Chris ayaa isna qoray: “Danny Welbeck waxa uu ku jiraa xul Koob Adduun. Ninkaan waa qasab inuu yahay ninka ugu nasiibka badan ee nool. Wax farsamo ah ma lahan waxaana uu u ciyaarayaan Arsenal iyo England.”


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *