LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Steven Gerrard oo kala saaray Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo! Midkee ayuu la dhacsanyahay?

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Kala duwanaashaha Ronaldo iyo Messi, kala saaridda Leo iyo Cristiano waxa ay noqotay mid aad u dheeraatay, qof walba oo kubadda cagta falanqeeyay, ka hadlaya ama indha-indheeya ayaa ka qaba fikir gaar ah.

Ciyaartoyda waaweyn iyo tababareyaasha caanka ah ayaa mid walba taageersan labadan laacibkii midkood.

Steven Gerrard waxa uu ka mid yahay xiddigaha ka fariistay kubadda cagta ee sida aadka ah uga hadla arrimaha ciyaaraha, waxaana markan uu afka u kala qaaday kala saaridda Ronaldo iyo Messi.

Kabtankii hore ee Liverpool ayaa Messi ku tilmaamay midka uu jecelayahay, waxaana uu ku ammaanay qaab ciyaareedka deeqsinnimada leh ee uu ula ciyaaro saaxiibbadiis.

Marka uu ka hadlay Ronaldo, waxa uu ku sheegay inuu yahay mid u sameysan gool dhalin, balse waxa uu ku eedeeyay inuu yahay mid isaga uun jecel inuu muuqdo, ciyaartoyda kalena aanan waxba u oggoleyn.

Gerrard ayaa isku dar ahaan lababdooda ku tilmaamay inay yihiin kuwii ugu fiicnaa taariikhda kubadda cagta kuwaas oo u xafiiltama sidan oo kale.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII