LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

SIR: Miyuu Cristiano Ronaldo Ogolaaday Inuu Kulanka River vs Boca Kusoo Laabto Santiago Bernabue Isaga Oo Dhinac Fadhiisanaya Lionel Messi? Shaqsi Ku Dhaw CR7 Oo Sirtiisa Shaaciyay.

Xidhiidhka kubadda cagta Spain ayaa dhawaan weeraryahanka laacibkii Juventus ee Cristiano Ronaldo kusoo marti qaaday inuu usoo daawasho tago kulanka River Plate vs Boca Juniors ee ka dhici doona gegida Estadio Santiago Bernabeu.

Kulan caasimada dalka Argentina ee Beunos Aires ku dhex mari lahaa kooxaha dalkaas ee River v Boca ayaa loo soo wareejiyay caasimada Spain kaddib qalalaase ay jamaahiirta River Plate ku dhibaateeyeen xiddigaha laacibkii Bocca Juniors.

River - Boca: Cristiano Ronaldo won't be at Bernabéu for final

River - Boca: Cristiano Ronaldo won't be at Bernabéu for final

Haddaba, Wargeyska AS ayaa banaanka keenay qorshaha Ronaldo uu ka dajistay marti qaadka uu ka helay xidhiidhka Spain ee RFEF kaddib waraysi ay ka qaadeen shaqsi aysan magaciisa xusin oo ay kaliya ku sifeeyeen mid ku dhaw dhaw CR7 oo haya xogtiisa.

Ilahan ku dhaw dhawr Ronaldo ayaa u sheegay wargeyska AS in Cristiano uu si ixtiraam ku dheehan yahay iskaga diiday marti qaadka uu ka helay RFEF ee ay ku doonayeen inuu ku yimaado Final-ka Copa Libertadores.

“Isaga weli deg-deg ayay ku tahay inuu ku laabto Bernabeu” Ayaa laga qabtay xogtan ilaha ku dhaw Ronaldo oo sheegaya in dhaawacyadii ka dhashay bixitaankii xagaaga ee xiddigan ay wali yihiin kuwo la dhayayo.

“Si kastaba, Xidhiidhkiisa kala dhexeeya laacibkii ayay si caksi ah u wax-yeeleeysay tagitaankiisii uu ku tagay dhinaca Juventus” Ayaa markale laga qabtay shaqsiga warkan laga helay oo intaa ku daray in bixitaankiisii uu ku hoggaamiyay go’aanka uu ku doortay inuusan kulankaas ka qayb gelin.

Xidhiidhka Spain ayaa iyaga oo shaacinaya dhawaan sida ay marti-qaadka ugu wada direen Messi iyo Ronaldo yidhi “Joogista Cristiano iyo Messi waxa ay farriin cajiib ah u noqon lahayd kubadda cagta, Waxaana ay labada xiddigba dhigaysaa meesha ay u qalmaan inay ahaadaan”

Si kastaba ha ahaatee, Go’aanka uu Ronaldo ku diiday marti qaadka uu ka helay kooxdiisii hore ayaa ah mid haddii uu aqbalo ay isku dhinac fadhiisan lahaayeen xiddiga uu loolanka kubadeed ka dhexeeyo ee Messi oo isagu xilli horeba aqbalay dalabkaas


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII