LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

“Sidaas Iigu Ma Adka In Aan Argentina Gool Ka Dhaliyo,” -Ahmed Musa Oo U Boolo -Xoofteeyey Lionel Messi Iyo Xertiisa

Kaddib labadii gool ee uu ka dhaliyey Iceland, Ahmed Musa waxa uu ku goodiyey in aysan ku adkeyn goolal laga dhaliyo Albiceleste.

Gor Gorada, waxa ay jilbaha u laabeen Iceland oo laf dhuun gashay ku noqotay Argetina kulankii kowaad ee Group-kooda.

Nigeria, iyaga ciyaartii hore waxaa soo karaashtay Croatia oo sidoo kale habeen hore xasuuq u geystay Messi iyo Argentina.

Musa waxa uu laba gool ka dhaliyey Argentina koobkii aduunka ee 2014 balse waxa ay ku guuldarreysteen 3-2 ciyaartaas.

Isaga oo ka hadlaya kulanka soo socda ee ay Argentina la leeyihi waxa uu Musa yiri: “Waan ognahay muhiimadda kulankaas.

“Waa samee ama dhimo waana in aan badino.

“Laakiin ka dhalinta gool Argentina sidaas iiguma adka.”

Nigeria, Argentina iyo Iceland dhammaan waxa ay fursado u haystaan in ay soo baxaan oo ay Croatia kula biiraan wareegga 16-ka.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *