LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Sheeko cusub shantii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyey waxaa horyaalka Premier League ku guuleystay Kooxo… + SAWIRRO

Kooxda Manchester City ayaa ku guuleysatay caawa horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan 2017-18, kaddib markii laacibkii ku soo xigtay ee Man United ay guuldarro 1-0 kala kulantay West Brom.

Waa markii shanaad oo ay Manchester City qaato horyaalka Ingiriiska kaddib xilli ciyaareedyadii 1936–37, 1967–68, 2011–12, 2013–14.

Sidoo kale waxa ay noqotay laacibkii labaad ee ku guuleysata horyaalka Ingiriiska iyadoo uu shan kulan ka harsan yahay kaddib Man United oo sidaa oo kale horay u sameysay xilli ciyaareedkii 2000/01.

Laakiin sheeko cusub ayaa daaha laga qaaday caawa iyadoo la xaqiijiyey in shantii xilli ciyareed ee ugu dambeeyey ay horyaalka Premier League ku guuleysteen kooxo ku ciyaara maaliyad Buluug ah.

Kooxaha shantii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyey ku guuleystay horyaalka Premier League waxa ay maaliyadooda koowaad tahay midabka Buluuga ah waana Man City, Chelsea iyo Leicester City ee halkaan hoose ka eeg:-

2013/14: Man City 🔵🏆 2014/15: Chelsea 🔵🏆 2015/16: Leicester 🔵🏆 2016/17: Chelsea 🔵🏆 2017/18: Man City 🔵🏆


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII