LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Shaxda Rasmiga Ah Ee Liverpool Vs Spartak Moscow Iyo Klopp Oo Ugu Danbayn Shaxdiisa Ku Soo Wada Bilaabay Mane, Salah & Firmino.

Liverpool ayaa Anfield ku soo dhawaynaysa laacibkii dalka Russia ka dhisan ee Spartak Moscow iyada oo isha ku haysa in ay kaalinta kowaad kaga soo baxdo groupkeeda. Liverpool ayaa kulankan barbaro kaliya uga baahan si ay wareega 16 ka kooxood ee Champions Leaque ugu soo baxdo laakiin Klopp ayaa doonaya in ay booska kaalinta kowaad ku soo baxaan.

Liverpool ayaa kulankii Russia barbaro 1-1 ah la soo gashay laacibkii Spartak Moscow, waxaana caawa soo kala baxaya kooxaha Liverpool, Sevilla iyo Spartak Mocow oo dhamaantood haysta fursad ay ku soo bixi karaan.

Tababare Jurgen Klopp ayaa shaxdiisa sibadalo ku sameeyay waxaana goolka ku soo bilawday Loris Karius oo kulamada Champions Leaque lagu koobay waxaana soo laabtay Joe Gomez  halka Klavan iyo Lovern ay difaaca dhexe ka wada ciyaari doonaan halka Alberto Moreno uu difaaca bidix ku jiro.

Emre Can iyo Wijnaldum oo difaaca ka ciyaaray kulankii Brighton ayaa kadka dhexe ku soo laabtay halka Coutinho uu khadka dhexe kala ciyaari doono waxaana safka weerarka hogaaminaya Sadio Mane, Mohamed Salah iyo Roberto Firmino oo ugu danbayn uu Klopp garoonka soo wada galiyay.

SHAXAHA RASMIGA AH EE LABADA KOOXOOD:

Liverpool : Karius; Gomez, Klavan, Lovren, Moreno; Emre Can, Wijnaldum, Coutinho; Mane, Salah, Firmino

Kaydka: Mignolet, Milner, Henderson, Sturridge, Oxlade-Chamberlain, Solanke, Alexander-Arnold

Spartak Moscow: Selikhov, Eschenko, Bocchetti, Tasci, Dzhikiya, Zobnin, Fernando, Glushakov, Promes, Ze Luis, Luis Adriano

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII