LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Shaxda ay caawa ku soo geli karaan kooxaha Man United iyo Sevilla kulanka Champions League oo la sii saadaaliyey

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Kooxda ka dhisan horyaalka Premier League ee Manchester United ayaa caawa soo dhaweynaysa naadiga reer Spain ee Sevilla kulanka lugta labaad ee Wareegga 16-ka Champions League.

Kulankii lugta hore ee ka dhacay dalka Spain ayaa ku soo dhammaaday barbaro 0-0 taas ayaana ciyaarta micno gaar ah u yeeleysa oo ka dhigaysa mid dhan waliba u furan.

Manchester United

Daafacyada Phil Jones iyo Marcos Rojo ayaa labaduba tababarka ku soo noqday, laakiin shaki ayaa laga gelinayaa inay ka soo muuqan karaan kulanka caawa.

Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba iyo Anthony Martial oo gabar weerar ah ayaa labadubaseegay safkii todobaadkan wajahay laacibkii Liverpool, welina shaki baa ku jira inay dhankooda safkan karaan kulanka ka dhacaya Old Trafford.

Sevilla

Waxaa shaki laga gelinayaa xiddigooda Jesus Navas kaasoo dhaawac ka qaba Kubka.

Waxaa isna dhaawac muruqa ah ku maqan Lionel Carole, halka uu tababarka ku soo laabtay Sebastien Corchia oo sheeganayey xanuun dhinaca gumaarka ah.

HADDABA HOOS KA EEG SHAXDA AY CAAWA GAROONKA KU SOO GELI KARAAN LABADA KOOXOOD:-

Shaxda Man Utd

Shaxda Sevilla

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII