LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Saxiixa Cusub Ee Kooxda Real Madrid Ee Thibaut Courtois Oo Bixiyay Waraysigiisii Ugu Horreeyay Kaddib Kusoo Biiristiisii Los Blancos & Hadaladii Ugu Horreeyay Ee Laga Qabtay.

Goolhayaha cusub ee laacibkii Real Madrid ee Thibaut Courtois ayaa bixiyay waraysigii ugu horreeyay kaddib markii uu saacado kahor si rasmi ah u dhammaystiray u dhaqaaqistiisa caasimada Spain oo uu in mudo ah ku riyoonayay.

Goolhaye Thibaut Courtois ayaa maanta oo Khamiis ah si rasmi ah loogu soo bandhigay gegida ay caanka ku tahay Los Blancos ee Estadio Santiago Bernabeu, Courtois ayaa halkaa kusoo af-meeray kaddib mudo sanado ah oo uu kusoo sugna horyaalka Premier League gaar ahaan laacibkii Chelsea.

Haddaba goolhayahan ree Belgium oo bixinaya waraysigiisii ugu horreeyay ayaa sheegay in talaabadani u tahay riyo u rumawday oo uu lahaa tan iyo carruurnimadiisii, Dhinaca kale Thibaut ayaa u mahad celiyay dhammaan shaqsiyaadka laacibkii ku sugan iyo dadaalka ay u galeen inay la saxeexdaan.

Goolhayaha ayaa ugu horraynba hadalkiisa ku bilaabay “Mahadsanidiin, Maanta waxaan buuxiyay riyada carruurnimadaydii, Kuwa i yaqaanaa waxay ogyihiin waxkasta oo aan soo qabtayiyo sida adag ee aan u shaqeeyay si aan halkan u yimaado”

“Waxaan doonayaa inaan Real Madrd uga mahad celyo dadaaladooda, waxaan markasta siinayay waxa ugu fiican koox kasta oo aan usoo ciyaaray, Riyadaydii haatan waa xaqiiq laacibkii waxaan ka hor imid anigoo kasoo horjeeda waanan ogahay waxa ay midaasi tahay laakiin waxaan markasta ku riyoonayay inaan yimaado dooga (cawska) garoonkan oo aan xidho midabada Madrid”

Dhinaca kale goolhaye Courtois aya sheegay inuu helay dalabaad kale oo dhawr ah isla markaana uu ka heli karayay dhaqaale iyo lacag ka badan midka ay Madrid usoo bandhigtay balse uu iska diiday.

Courtois oo arrintaasi ka hadlaya ayaana yidhi “Waxaan helay dalabaad badan xagaaga qaarkoodna aad ayay uga fiicnaayeen midan dhaqaale ahaan laakiin markaan ogaaday xiisaha xoogan ee ka imaanaya Madrid, Maan qabin qabin wax shaki ah waxaanan doonayay inaan ku biiro laacibkii dunida ugu fiican”


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *