LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Saxafiga Rug Cadaaga Ah Ee Reer Spain Guillem Balague “Barcelona Ayaa leh Eedda Ah In La Eryo Julen Lopetegui”.

Julen Lopetegui waxaa xilkii tabababare ka eryey xiriirika kubadda cagta Spain maalin kahor bilaabashada koobka aduunka.

Spanish-ka waxaa xilka laga xayuubiyey maanta kaddib markii ay xalay Real Madrid xaqiijisay in uu noqonayo tababaraha badalaya Zinedine Zidane.

Hase ahaatee, magacaabiddii Real Madrid ma noqon mid uu ku qancay madaxweynaha xiriirka Spain Luis Rubiales.

Luis Rubiales waxa uu sheegay in uusan waxba ka ogeyn magacaabidda Julen balse warku ku noqday lama filaan.

Saxafiga khabiirka ah ee reer Spain, Guillem Balague ayaa hadda sharraxaad ka bixiyey sida uu u fekeray Rubiales waxa uuna qishay in go’aankaas uu ahaa mid ay farriin ugu dirayeen kooxaha waa weyn ee La Liga sida Barcelona iyo Real Madrid oo ah in aysan ka weyneyn xiriirka.

Balague sidoo kale waxa uu sheegay in Ramos ka mid ahaa dhawr ciyaaryahan oo Real Madrid ka tirsan oo ka codsaday Rubiales in uusan eryin tababaraha ilaa iyo dhammaadka tartanka.

“Xiriirka kubadda cagta ee Spain waxa uu go’aansaday in ay eryaan Julen Lopetegui,” ayuu Twitter-ka ku soo qoray Balague.

“Madaxweynaha xiriirka, Luis Rubiales waxa uu doorbiday in uu eryo isla waqtigii uu maqlay in Lopetegui yahay tababaraha cusub ee Real Madrid kahor intii aan shalay la xaqiijin.

“Go’aankiisa waxa uu ku guuleystay dooddii ciyaaryahanada.

“Yaa bedelaya? Madaxweynaha xiriirka, Rubiales waxa uu sheegay in aysan wali go’aan gaarin.

“Si tartiib tartiib ah ayaan ula jaanqaadi doonnaa.”


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *