LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Samuel Umtiti Oo Dhaawac Soo Gaadhay iyo Kulamada Muhiimka Ah Ee Uu Seegi Karayo

Kooxda Barcelona ayaa xili ciyaareedkan ku soo dhibtoonaysay kulaamadii horyaalka La Liga iyada oo afartii kulan ee ugu danbeeyay aan wax guul ah soo gaadhin, waxaana la fahansan yahay in dhibaata ugu wayn tahay xaalada difaacasho ee kooxdeeda oo xili ciyaareedkan aad u liidata.

Laakiin waxay u muuqataa in laacibkii Valverde ay sii gali karto xaalad kale oo aan fiicnayn kadib markii uu soo baxay war aan u fiicnayn dhegaha jamaahiirta laacibkii Barcelona iyada oo walaac xoogan laga muujinayo waqtiga uu Samuel Umtiti garoomada ku soo laaban karo.

Samuel Umtiti ayaa seegay kulamadii ugu danbeeyay isaga oo dhaawac jilibka ah la maqan, laakiin sida uu shaaciyay wargayska Mundo Deportivo, xidiga ree France ayaa seegi kara kulamada muhiimka ah ee ay Barca ciyaari doonto marka laga soo laabto kulamada caalamiga ah ee hadda fasaxa loogu jiro.

Maamulka laacibkii Barcelona ayaan doonayn in Samuel Umtiti uu qaliin maro si xaaladiisa dhaawac loo xaliyo waxayna doonayaan in ay si caadi ah oo aan deg deg ku jirin uu xidiga ree France uga soo kabsato dhaawaca uu haddaba kooxdiisa uga maqan yahay.

Valverde ayaa ku tiirsanaan doona adeega Gearard Pique oo aan xaalad fiican ku jirin kaas oo ay ka garab ciyaari doonaan Clement Lenglet ama Thomas Vermaelen iyada oo waliba kulamo xaasaasi ah Barca ciyaari doonta.

Samual Umtiti ayaa la filayaa in uu seegi karo kulamada Sevilla, Inter Milan iyo Real Madrid taas oo haddii ay xaqiiq noqoto dhibaato wayn ku noqon doonta Valverde oo haddaba culays ka dareemaya natiijo xumadii soo gaadhay Barcelona.

Clement Lenglet ayaa Gerard Pique difaaca dhexe kula soo bilawday kulankii Tottenham ee UEFA Champions League wuxuuna muujiyay in laysku halayn karo halka Thomas Vermaelen uu Pique ka garab ciyaarayay kulankii Sevilla.

Si kastaba ha ahaatee, waqtiyada soo socda ayaa si dhab ah loo ogaan doonaa haddii uu Umtiti fursad u heli karo kulanka El Clasico-da Real Madrid inkasta oo ay hadda u muuqato in uu kulanka Sevilla seegi doono.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII