LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Safka rasmiga ah ee qaranka Spain ee kullamada soo aaddan oo lasoo saaray xilli Jordi Alba uu kusoo laabtay, iyo Luis Enrique oo sharraxay sababta uu ugu yeerray!

Xulka qaranka dalka Spain ayaa markii ugu horreysay dib looga yeerray Jordi Alba oo aan u safan xulka Spain tan iyo markii uu xulkan macallin u noqday Luis Enrique.

Waxaa si aad ah la isula dhex qaaday in Alba uusan dookh u ahayn Enrique tan iyo bilihii ugu dmabeeyay ee macallinkan ka arriminayay Barcelona.

Difaaca Barcelona ayaa beddel u noqonaya Marcos Alonso oo safkan aan lagu soo darin, waxaana sidoo kale safka Spain markii ugu horreysay loogaga yeerray Difaaca laacibkii Real Sociedad Diego Llorente iyo xiddigga laacibkii Espanyol ee Mario Hermoso.

Safka oo dhammeystiran

 Pau, De Gea, Kepa; Otto, Azpilicueta, Diego Llorente, Ramos, Hermoso, Inigo, Gaya, Alba; Sergi Roberto, Ceballos, Brais, Rodri, Busquets, Fornals, Saul; Suso, Rodrigo, Aspas, Morata, Asensio, Isco

Dhanka kale macallinka xulka La Roja ayaa guud ahaan gaashaanka u daruurray in xiriir aan wanaagsanayn uu la leeyahay Jordi Alba.

Hase ahaatee, waxa uu tilmaamay inay doorashadiisa ku xirantahay, isla markaasna uu inta badan ku cabiro marxaladda ay xiddigaha ku jiraan xilligaas iyo sida ay ula jaanqaadi karaan xiddigaha kale ee xulka.

Waxaana uu intaas raaciyay in la joogo xilligii Alba uu mudnaa in qaranka Spain lagu soo daro.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII