LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Saddexdaan Halyeey Ee Golden Boot-ka Premier League Hantay Ayuu Wax Ka Bartaa Romelu Lukaku – Midkoodna Man United Uma Ciyaarin.

Weeraryahanka Man United Romelu Lukaku ayaa shaaca ka qaaday saddexda gooldhaliye ee soo maray Premier League isla markaana mar ku guuleystay kabta dahab gooldhalinta uu wax badan ka barto, mana ku jiro xiddig usoo ciyaaray kooxdiisa.

Xiddiga reer Belgium ayaa shabaqa kasoo taabtay kooxaha horyaalka Ingiriiska 16-jeer fasalkii lasoo dhaafay, balse wuxuu maara u waayay inuu la tartamo Mohamed Salah oo si rikoor ah ku qaadaya tartanka gooldhalinta.

Lukaku fasalkaan si fiican ayuu ugu bilowday maadaama uu afar kulan sadex gool dhaliyay sidoo kalana laba ka mid ah goolashiisa wuxuu shabaqa kasoo taabtay laacibkii Burnley, mar kale ayaana lagu daray liiska xiddigaha u tartami kara abaalmarinta Golden Boot.

Ka hor kulanka Watford ee todobaadka shanaad oo berito dhici doona ayuu xiddigaan tilmaamay saddexda halyee uu mar walba wax ka barto waxeyna u wada ciyaareen kooxo ay kooxdiisa aad ula xifaaltanto waana Thierry Henry, Didier Drogba iyo Nicolas Anelka.

“Maalin walba ayaan wada hadalnaa” ayuu Romelu u sheegay BBC Sport kadib markii wax laga weydiiyay halyeeyga uu jecel yahay ee Didier Drogba.

“Wuxuu ka qeyb yahay hormarkeyga, wuxuu ka qeyb ahaa hormarkeyga tan iyo markii aan imid Premier League, Xitaa inagoon waqti badan qolka labiska ku wada qaadan, walina qeyb ayuu ka yahay”

“Markii aan koobka Adduunka joognay, inta badan wuxuu nala joogay hotel-ka, ma qiyaasi kartaa Hotel-ka Koobka Adduunka? Marka aan joognay Russia? waxaan ila joogay Henry iyo Drogba, waan dhinac fariisanayay wax walbana ka qaadanayay, waxaad sameysay qalad, taasna qalad ayey aheyd, balse taas aad sameysay waa fiican tahay

“Wey ogaayeen iney aqbalayaan, sababtoo ah waxaan doonayaa inaan qaato waqtigii ay horay usoo qaateen”

“Mararka qaar markaan arko Nicolas, saddexdooda markii aan soo korayay, waxey ii ahaayeen wax walba”


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *