LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Sababta Aan Ka Hor Bilowga Kulankii Man United & CKSA Moscow Loo Maqlin Heesta Astaanta Champions League Oo La Ogaaday.

Kulankii Man United iyo CKSA Moscow ku dhexmaray garoonka Old Trafford ayaan bilowgii u muuqan in la ciyaarayo Champions League madama qof walba uusan maqlin heesta astaanta u ah tartanka cilad farsamo oo gadaal laga ogaaday.

Heesta waa mid la maqlo ka hor bilowga kulan walba oo tartankaan ka mid ah kana dhacaya garoon walba, balse ma dhicin iney maqlaan jamaahiirtii soo xaadirtay Old Trafford iyo kuwii ka daawanayay daafaha caalamka.

Xamaasadda ay heestaan leedahay waxey kabtanka Portugal Cristiano Ronaldo ku qasabtay inuu afka la nuuxiyo kulan ka tirsan tartanka Champions League.

Nasiib wanaag wariyaha caanka ah Des Kelly kana tirsan BT Sports ayaa shaaca ka qaaday sababta ka dambeysa inaan la maqlin heesta, waxeyna noqotay cilad dhanka farsamada ah.

“Kadib baaritaan dheer, saraakiisha ku shaqada leh ayaa xaqiijiyay in CD-ga uu joojiyay shaqada, waxaana lagu qasbanaaday in laga tago”

Red Devils waxey gaartay guushii shanaad ee tartanka markii ay 2-1 ku dileen CSKA Moscow, waxeyna si weyn kaga mahad celinayaan Romelu Lukaku iyo Rashford oo ka jawaabay gool ay ku hormareen laacibkii reer Russia.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII