LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Saadaasha Khabiirka Sky Sports Paul Merson Kulamada 5-aad Ee Horyaalka Premier League – Muxuu Ku Saadaaliya Kulanka Liverpool & Tottenham?

Khabiirka Sky Sports Paul Merson ayaa kusoo laabtay saaxadda saadaasha kadib kulamadii qaran ee ay jireen ciyaartoyda, todobaadka shanaad ee horyaalka ayuuna markaan saadaashiisa kasoo dhiibtay iyadoo hillinka uu ka hor kulamada isbuucaan ku tilmaamay “Ninkii Mucjisada ahaa”.

Tottenham iyo Liverpool ayaa ciyaari doona kulanka ugu horreeya horyaalka Premier League todobaadka shanaad, waana kulanka ugu weyn ee aadka loo wada sugayo iyadoo Reds aysan wax guuldaro ah la kulmin afartii kulan ee hore halka Spurs ay hal guuldaro kala kulantay laacibkii Watford.

Merson wuxuu aaminan yahay in Liverpool ay sii wadan doonto rikoorkeeda guuldaro la’aanta, kaliya 3-gool ayaana la iska dhalin doonaa sida uu qabo.

Blues ayaa sii wadi doonta rikoorkeeda guuldaro la’aanta qudheeda sida uu qabo Paul, wuxuuna siiyay 4-gool oo ay kaga badin doonaan Cardiff, halka uu guul weyn siiyay laacibkii difaacaneysa horyaalka ee Man City oo kulan xiiso leh la yeelan doonta Fulham.

Si la mid ah kooxaha Arsenal & Manchester United ayuu siiyay guulo kulamada ay la kala yeelan doonaan Watford iyo Newcastle United min (2-1) ayuuna saadaaliyay iney ku dhamaan doonto.

KULAMADA SABTIDA:

Tottenham Hotspur 1 – 2 Liverpool

AFC Bournemouth 2 – 2 Leicester City

Chelsea 4 – 0 Cardiff City

Huddersfield Town 0 – 2 Crystal Palace

Manchester City 4 – 0 Fulham

Newcastle United 1 – 2 Arsenal

Watford 1 – 2 Manchester United

KULAMADA AXAD:

Wolverhampton Wanderers 2 – 1 Burnley

Everton 1 – 1 West Ham United

KULAMADA ISNIIN

Southampton 2 – 0 Brighton & Hove Albion

Adiguna Saadaashaa qeybta hoose ee Comments-ka ku qor.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *