LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Roma Oo Bayaan Kasoo Saartay Mustaqbalka Goolhayaha Qaarada Yurub Loogu Doonista Badan Yahay Ee Alisson Becker

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Madaxweynaha laacibkii Roma James Pallotta ayaa sheegay in Alisson Becker uusan iib ka aheyn kooxdiisa.

Alisson waxaa doonaya kooxaha Liverpool, Paris Saint-Germain iyo Real Madrid kadib bandhigiisa soo jeedashada leh ee Roma.

Madaxweyne Pallotta ayaa yiri: “Ma fahmo sababta ay dadku i weydiinayaan haddii Alisson uu ka tagi doono laacibkii xilli ciyaareedka soo aadan, ma rabno inaan iibino, Fursad uma heyno kooxaha doonaya isaga.

“Waxaan u maleyneynaa inuu ahaa goolhaye weyn markii aan la saxiixanay, sidaasi darteedna ma jirto sabab aan u iibino.”

Pallotta oo u dabaaldegay guushii ay Roma ka gaartay Barcelona wuxuu la kulmay duqa magaalada Rome Virginia Raggi si uu ugala hadlo mashruuca lagu dhiso garoon u gaar ah kooxdiisa.

“Waxaan ka hadalnay wax ka badan wixii kale ee ku saabsan dhismaha garoonka waan faahfaahin doonaa.

Giallorossi ayaa Liverpool kula kulmi doonta semi-finalka tartanka Champions League.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII