LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Real Oo Ilowday De Gea, Barca Oo U Weecaneysa Eriksen & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Maalin wanaagsan akhristayaasha sarafta lehow meel kasta oo aad aduunka ka joogtaan, kuna soo dhawaada barnaaamijkeenii maalin laha ah ee aanu sida joogtada ah idiinku soo gudbino waxyaabaha ay wargaysyadu ka qoraan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmay July 1, waxayna kooxuhu si wayn ugu hawlan yihiin in ay la soo saxiixdaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay horumarin ku samayn karaan safafka kooxahooda ka hor inta aanu bolaamin xili ciyaareedka cusubi waxaana haddaba jira xidigo badan oo kooxaha Premier Leaque-gu dagaal ugu jiraan in ay la soo waregaan.


Barcelona ayaa u weecaneysa xidiga khadka dhexe Tottenham Hotspur Christian Eriksen kaas oo 25-jir ah sababtoo ah Liverpool waxey ka biyo diidsan tahay iibka Philippe Coutinho. (Independent).

Liverpool ayaa diyaar u ah iney iibiso Philippe Coutinho waxeyna Barcelona ka dalbatay aduun dhan 136.5 Malyan oo Pound. (Daily Record)

Garabka Borrusia Dortmund Ousmane Dembee ayaa wali ku jira liiska xidigaha ay Barcelona ka dooneyso suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, waxaana laga yaabaa iney 140 Malyan oo Euro ku dalbato 20-jirka heerka caalami. (AS).

Hadii Barcelona ay ku fashilanto Dembele iyo Coutinho, waxey u dhaqaaqi dontaa 28-jirka reer Croatia Ivan Perisici kaas oo waqti dheer ay ku raad joogtay Man United. (Football Italia)

Paris Saint Germain garabkeeda Angel Di Maria kaas oo 29-jir ah ayaa si layaab leh usoo galay liiska xidigaha Barcelona ay la damacsan tahay iney badal uga dhigto Neymar. (Sport)

Paris Saint Germain ayaa 18-jirka reer France Kylian Mbappe ka dalbatay iney siin doonto sanadkii 18 Malyan oo Euro kuna qancineysa inuu saxiixo heshiis shan sano ah. (L’Equipe)

Kylian Mbappe ayaa kusii dhawaanay ku biiritaanka Paris Saint Germain, balse ma jirto heshiis la gaaray oo ay labada kooxood ku heshiiyeen. (ESPN)

Real Madrid ayaa soo afjartay xiisaha ay u qabtay Kylian Mbappe waxeyna dib ugu laaban doonaan garabka Chelsea Eden Hazard kaas oo 26-jir ah. (Don Balon)

Chelse ayaan wali dalab kale kula laaban khadka dhexe Leicester Danny Drinkwater kaas oo 27-jir ah madama laga soo diiday dalabkii furitaanka. (Telegraph).

Tottenham Hotspur ayaa wadahadalo kula jirta Ajax Amsterdam daafaceeda dambe Davinson Sanchez kaas oo 21-jir ah waxeyna ku dooneysaa 35 Malyan oo Pound. (Mirror)

Real Madrid xidigeeda Isco kaas oo 25-jir ah ayaa lagu jabin karaa heshiiskiisa cusub 700 Malyan oo Euro oo u dhiganta 637 Malyan oo Pound kadib markii uu saxiixay heshiis afar sano ah. (AS)

Real Madrid ayaa soo idleysay xiisahii ay u qabtay goolhayaha Chelsea Thibaut Courtois oo 25-jir ah iyo goolhayaha 26-jirka ah ee Man United David De Gea. (Don Balon)

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII