LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Real Madrid Oo Kusoo Biirtay Loolanka Fekir, Chelsea Oo Ceyrineysa Antonio Conte & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ayaa lagu kala qeybsamay sanadkaan, taasoo ka dhigan in horyaalka Premier League kooxahiisa uu u furan yahay, sidoo kalana kooxaha kale uu u furmi doono kadib koobka Aduunka.

Waxaan idiin soo gudbineynaa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda – adigoo ogsoon in kooxaha Premier League ay dukaameysi sameyn karaan, halka kuwa kalana ay heshiisyo gali karaan balse aysan dhameystiri karin.

Haddaba wararka hoos ku qoran shabakadda LaacibNet xaqiiqdooda iyo jiritaankooda masuul kama ahan maadaama ay u xaglineyso xuquuqda shabakadahii qoray


Real Madrid ayaa xiiseyneysa xiddiga Lyon ee Nabil Fekir kaas oo 24-jir ah, iyadoo Reds ay qarka u fuuli karto iney weyso xiddiga reer France. (RT France)

Kooxda Arsenal ayaa wadahadalo kula jirta Sevilla iyadoo ka dooneysa iney kasoo qaadato 29-jirka reer Argentina Ever Banega. (Star)

Manchester City iyo Paris Saint Germain ayaa wada xiiseynaya daafaca Bayern Munich Jerome Boateng kaas oo 29-jir ah. (Sport Bild)

Chelsea ayaa dooneysa iney heshiis jabinta Antonio Conte ka dhigto mid raqiis ah iyadoo ku eedeyneysa inuu si aan hab maamul fiican aheyn u iibiyay Diego Costa. (Express)

Man City ayaa qarka u saaran iney gacanta ku dhigto saxiixeedii ugu horreeyay xagaagan maadaama ay hormar ka sameeyeen wadahadalada ay Napoli kaga doonayaan Jorginho oo 26-jir ah. (Manchester Evening News).

Madaxweynaha Napoli Aurelio de Laurentiis ayaa shaaca ka qaaday in Chelsea aysan ka dalban iney ninka reer talyaani u magacowdo macalinkeeda cusub. (Sky Sports 24).

Citizens ayaa sidoo kale diyaarineysa qorshe ay wadahadalo heshiis kordhin ah kula galeyso 27-jirkeeda reer Jarmal Ilkay Gundogan, aas oo lala xiriirinayo Barcelona. (The Sun)

Kubad sameeyaha Jarmalka Mesut Ozil oo 29-jir ah ayaa dalbaday in loo xiro lambarka 10-aad ee uu ka tagayo Jack Wilshere. (Daily Mail)

Liverpool ayaa loo saadaaliyay iney lasoo saxiixan doonto xiddiga Stoke City & qaranka Switzerland Xherdan Shaqiri oo 26-jir ah. (Express)


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *