LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RASMI: Xidhiidhka Kubadda Cagta Yurub Ee UEFA Oo Shaaciyay Liiska Afarta Ciyaartoy Ee Ku Tartamaya Xiddiga Toddobaadkan Ee Champions League.

Xidhiidhka kubadda cagta qaarada Yurub ee UEFA ayaa kaddib markii ay si rasmi ah usoo dhammaadeen kulamada Champions League ee heerka Group-yada wareega afraad si rasmi ah ugu dhawaaqay liiska afarta xiddig ee ku loolamaya xiddiga toddobaadkan ee CL.

Weeraryahanka laacibkii Red Star Belgrade ee Milan Pavkov, Garabka laacibkii Manchester City ee Riyad Mahrez iyo xiddigaha safka weerarka ee Karim Benzema iyo Harry Kane oo ka kala tirsan Real Madrid iyo Tottenham sida ay u kala horreeyaan.

Pavkov ayaa kasoo yaabsaday laacibkii Liverpool iyo tababaraheeda Jurgen Klopp kaddib markii uu laba gool oo qaybtii hore yimid ku dilay rajadoodii kulankaas isla markaana uu Group-ka ay wadaagaan Napoli iyo PSG ka dhigay mid dib fooda la iskula galay.

Harry Kane ayaa markale muujiyay door hoggaamiyenimo, Weeraryahanka Spurs ayaa kooxdiisa ka bad-baadiyay inay xilli horeba ka hadho tartanka ugu xiisaha bada Yurub isla markaana laba gool kaga caawiyay inay guul ka gaadhaan PSV.

Riyad Mahrez ayaa markale isku muujiyay Man City oo uu xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay la qaadanayo, Garabka ree Algeria ayaa qayb ka qaatay xasuuqii ay kooxdu u gaysatay Shakhtar Donetsk isaga oo sameeyay laba caawinaad iyo gool.

Ugu dambayn, Karim Benzema ayaa ugu dambayn ka baxay rekoodh xumadii abaarta goolasha kulankii ay kasoo guulaysteen Plzen, Benzema ayaa laba gool kaga qayb qaatay guushaas oo ay 5 gool oo jawaab la’aan ah kusoo gaadheen.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *