LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RASMI: Xidhiidhka Kubadda Cagta Qaarada Yurub Oo Si Rasmi Ah U Shaaciyay Shaxda Kooxdii Ugu Fiicnayd Champions League Toddobaadkan & Xiddigaha Kooxdaada Ugu Jira

Xidhiidhka kubadda cagta qaarada Yurub ee UEFA ayaa dhawaan si rasmi ah u shaaciyay shaxda 11-ka xiddig ee ugu fiicnaa tartanka UEFA Champions League toddobaadkan oo ahaa midkii afraad ee heerka Group-yada.

dhammaan afarta kooxood ee tartankan ugu jira kooxaha ree England ayaa guulo kala duwan gaadhay, Kooxaha ree Spain ee Real & Aletico Madrid ayaa sidoo kale guulo ku raaxaystay iyadoo aysan meesha ka madhnayn Bayern Munich.

Shaxdan ayaa ah mid uu goolka ugu soo baxay goolhayaha ree America ee Ethan Horvath kaas oo kooxdiisa Club Brugge ka caawiyay inay 4-0 ku dhaafto Monaco oo ay marti u ahaayeen.

Shaxdan ayaa ah mid ay kusoo baxeen afar daafac dambeed oo kala ah Kostas Manolas oo ka qayb ah laacibkii Roma, Daafaca bidix ee Napoli ee Juan Bernat iyo xiddiga Atletico Madrid ee Filipe Luis.

Afarta khad dhexe ee shaxdan kasoo muuqday ayaa ah kuwo dhammaantood ka yaabsaday dunida toddobaadkan waxaana qayb ka ah Hans Vanaken oo laba jeer shabaqa kasoo taabtay Monaco, Soler iyo Toni Kroos oo goolal u dhaliyay Valencia iyo Real Madrid iyo waliba Riyad Mahrez oo laba caawin iyo gool ka sameeyay kulankii Shakhtar.

Ugu dambayn, Safka weerarka kooxdan oo ah mid holac ah ayay ku midoobeen Karim Benzema iyo Robert Lewandowski oo min laba gool dhaliyay iyo waliba Gabriel Jesus oo saddexley goolal ah ku raaxaystay.

Halkan kaga boggo shaxda oo sawir ah.

UEFA Champions League Team of the Week Gameweek 4. BeSoccer

UEFA Champions League Team of the Week Gameweek 4. BeSoccer


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *