LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RASMI: Xiddigaha Man United Oo Ugu Codeeyay Antonio Valencia Abaalmarinta Xiddigii Ugu Fiicnaa Xilli Ciyaareedka

Ciyaartoyda Manchester United ayaa ugu codeeyay Antonio Valencia xiddiga xilli ciyaareedka ee Man United.

Xiddiga reer Ecuador ayaa muhim weyn u ahaa xilli ciyaareedka United, isagoo la wareegay booska daafaca midig ee Old Trafford.

Valencia oo 31 sanno jir ah ayaa booskiisa cusub ee daafaca midig waxa uu ku dhigay wacadarro iyadoo Jose Mourinho uu booskaas uga dhigay mid joogta ah.

“Waxaan oo dhan waa shaqo adag, waan ku faraxsanahay waana ka mahdinayaan hadalada tababaraha, waan ka mahdinayaa taageerada jamaahiirta iyo asxaabteyda laacibkii.” ayuu yiri Valencia.

Mid kale oo ka mid ah ciyaartoyda uu Mourinho u bedelay daafac midig Ashley Young ayaa durbadiiba saaxiibkiis ugu hambalyeeyay Twitter.

Sidoo kale abaalmarinadii la bixiyay waxaa ka mid ahaa xiddiga da’ yarka sannadka ee Man United oo la siiyay Angel Gomes.

Halka Henrikh Mkhitaryan uu ku guuleystay goolkii ugu fiicnaa xilli ciyaareedka oo lagu siiyay goolkii uu ka dhaliyay Sunderland maalintii Boxing Day ee dibqalooca.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII