LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RASMI: Tababare Sam Allardyce oo isaga tagay shaqada kooxda Everton – Wax ka ogow rikoorkiisa kooxdan

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Macallin Sam Allardyce ayaa isaga tagay laacibkii Everton, waxaana go’aankaas uu ku tagay uu ku tilmaamay mid la aqbali karo.

Tababarihii hore ee xulka qaranka England ayaa kulan socday muddo saacad ah oo saakay ka dhacay garoonka Goodison Park loogu sheegay go’aanka ah inuu isaga tago laacibkii, sida ay sheegayso Sky Sports News.

Allardyce iyo ninka wax ka leh laacibkii ee Farhad Moshiri ayaa sheegay inay heshiis si wadajir ah ay u gaareen labadooda ay soo gabagabeeyeen shaqadii ay wada hayeen, isla markaana uu baxayo Big Sam.

Xubnaha kale ee Allardyce kala tirsanaa laacibkii oo ay ku jiraan Sammy Lee, Craig Shakespeare iyo Martyn Margetson ayaa sidoo kale laacibkii ka tagay.

63-sano jirkaan ayaa la soo warinayaa in la siiyey lacag lagu qiyaasayo 6 milyan oo gini maadaama heshiiskiisa uu ka harsanaa 12 bilood.

Rikoorka macallin Sam Allardyce ee laacibkii Everton ee Premier League halkaan hoose ka eeg:-

26 kulan

10 guul

7 barbaro

9 guuldarro

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII