LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RASMI: Tababare Ernesto Valverde Oo Ku Dhawaaqay Liiska Ciyaartoyda Kooxdiisa Barcelona Ee Kulanka Furitaanka La Liga Iyo Xidigo Liiskan Iska Dhex Waayay.

Kooxda koobka horyaalka La Liga difaacanaysa ee Barcelona ayaa barri oo sabti ah xili ciyaareedka cusub ee La Liga ku furanaysa kulanka ay la ciyaarayso laacibkii Deportivo Alaves wuxuuna Ernesto Valverd magacaabay liiska 18ka xidig ee kooxdiisa kulankan uga qayb gali doona iyada oo xidigaha qaar ay liiskan iska dhex waayeen.

Ernesto Valverde ayaa liiska ciyaartoyda kooxdiisa ku soo wada daray dhamaan afarta saxiix ee ay Barcelona samaysay intii uu suuqa xagaagani furnaa kuwaas oo kala ah Arthur Melo, Arturo Vidal, Malcom Filipe iyo Clément Lenglet kuwaas oo haysta fursadii ugu horaysay ee ay Barcelona ugu ciyaari lahaayeen horyaalka La Liga.

Laakiin tababare Ernesto Valverde ayaa liiska kooxdiisa meel uga waayay xidigaha kala ah Thomas Vermaelen, Sergi Samper, Munir El Haddadi iyo Paco Alcácer halka Denis Suarez iyo da’yarka Carles Alena ay dhaawac wali ku maqan yihiin.

Dhinaca kale Valverde ayaan liiskiisa ku soo darin labada da’yar ee  Juan Miranda iyo Riqui Puig oo finalkii Spanish Cupka uu kooxdiisa ku soo darsaday isla markaana bandhig cajiib ah ka soo sameeyay kulamadii saaxiibtinimo.

Ivan Rakatic oo kaydka ku jiray finalkii Spanish Super Cupka ee Sevilla ayaa la filayaa in uu shaxda Barca ku soo bilaaban karo wuxuuna ku soo baxay liiskan inkasta oo uu ka mid ahaa xidigihii fasaxa koobka aduunka ku soo raagay inkasta oo uu wali Valverde haysto Arthur iyo Vidal oo taam buuxa ah.

Liiska Ciyaartoyda Barcelona Ee Kulanka Alaves ee Furitaanka La Liga: Ter Stegen, Cillessen, Sergi Roberto, Semedo, Jordi Alba, Gerard Piqué, Lenglet, Umtiti, Rakitic, Sergio Busquets, Arthur, Rafinha, Arturo Vidal, Coutinho, Dembélé, Malcom, Messi iyo Luis Suárez.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *