LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RASMI: Tababare David Moyes oo la xaqiijiyey inuu ka tagayo kooxda West Ham United

Share on Facebook

Tweet on Twitter

West Ham United ayaa xaqiijisay in macallinkeeda David Moyes uu ka tagayo laacibkii dhammaadka xilli ciyaareedkan.

The Hammers ayaa shaaca ka qaaday in tababaraha reer Scottish aan heshiiska loo cusboonaysiin doonin, iyadoo qandaraaskiisu uu ku eg yahay dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Moyes caawiyeyaashiisa Alan Irvine, Stuart Pearce iyo Billy McKinlay ayaa sidoo kale ka tagi doona London Stadium.

Moyes ayaa laacibkii West Ham shaqadeeda qabtay bishii November ee la soo dhaafay, waxaana uu saxiixay heshiis lix bilood ah, kaddib markii kooxdaas laga ceyriyey Slaven Bilic.

Hadda Moyes ayaa isaga tagi doona laacibkii Hammers marka uu dhammaysto heshiiskiisa uu kula jiro dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Macallinkii hore ee kooxaha Manchester United iyo Everton ayaa laacibkii West Ham ku hoggaamiyey xilli ciyaareedkan inay ku dhammaysato kaalinta 13-aad ee kala horreynta horyaalka Premier League.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII