LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RASMI: Tababaraha Xulka Qaranka Portugal Ee Fernando Santos Oo Liiska Xulkiisa Ku Dhawaaqay-Miyaa Cristaino Ronaldo Dib Loogu Soo Celiyay Liiskan?

Cristiano Ronaldo ayaa hore u seegay kulamadii caalamiga ahaa ee la soo dhaafay kadib markii ay soo baxeen duufaanadii kufsiga loogu eedeeyay ee uu Football Leaks banaanka soo dhigay isla markaana dalka Maraykanka dacwada looga soo oogay, wuxuuna markaas Ronaldo dalbaday in aan liiska xulkiisa lagu soo darin.

Markale tababaraha xulka qaranka Portugal ee Fernando Santos ayaa liiska xulka qarankiisa Portugal ka saaray Cristiano Ronaldo iyada oo haddaba Ronaldo uu u muuqdo mid Lionel Messi kula biiray fasaxa dheer ee aan la garanayn waqtiga ay soo laaban doonaan.

Inkasta oo ay kala duwan yihiin sababaha keenay in Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ay ka maqnaadaan waajibaadka xulalka qaramadooda, haddana Ronaldo ayaa wali ka maqan liiska uu hadda magacaabay Fernando Santos  ee Portugal uga qayb gali doona kulamada caalamiga ah ee dhawaan loo bixi doono.

Cristiano Ronaldo ayaa ku dooday in isaga oo kiis fadeexad kufsi ah loo haysto in aanu xidhan karin garanka xulka qarankiisa Portugal oo aanu xulkiisa matali karin inkasta oo aan la ogayn waqtiga uu ku soo laaban doono.

Laakiin in Ronaldo uu fasax aan waqtigiisa la ogayn ka qaatay xulka qarankiisa Portugal waxay faa’iidada ugu wayni ugu jirtaa kooxdiisa Juventus oo helaysa waqti uu 33 sano jirkani kaga nasan karo kulamada si uu waqti fiican ugu sii qaato kulamada kooxdeeda ee kadib kulamada caalamiga ah.

Liiska Xulka Qaranka Portugal Ee uu Fernando Santos Magacaabay:

Beto (Goztepe), Rui Patricio (Wolves), Claudio Ramos (Tondela); Joao Cancelo (Juventus), Ruben Dias (Benfica), Jose Fonte (Lille), Raphael Guerreiro (Borussia Dortmund), Luis Neto (Zenit), Pepe (Besiktas), Mario Rui (Naples), Cedric Soares (Southampton); William Carvalho (Real Betis), Bruno Fernandes (Sporting), Andre Gomes (Everton), Joao Mario (Inter), Ruben Neves (Wolverhampton), Danilo Pereira (Porto), Pizzi (Benfica), Renato Sanches (Bayern Munich); Bruma (RB Leipzig), Eder (Lokomotiv Moscow), Goncalo Guedes (Valencia), Bernardo Silva (Manchester City), Andre Silva (Sevilla), Rafa Silva (Benfica)


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *