LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RASMI: Santiago Solari Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqay Liiska Xidigaha Kooxdiisa Uga Qayb Galaya Tartanka Koobka Kooxaha Aduunka, Miyuu Casemiro Kasoo Laabtay Dhaawacii?

Tababaraha laacibkii Real Madrid ee Santiago Solari ayaa dhawaan si rasmi ah ugu dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa u matalaya tartanka Koobka Kooxaha Aduunka oo ay dhawaan kaga qayb geli doonaan dalka Isku Taga Imaaraadka Carabta (United Arab Emirates).

Madrid iyo tababaraheeda ayaa haatanba ka fikiraya isla markaana diiradooda u jeediyay dhinaca Koobka Kooxaha Aduunka oo dhici doona maalmo kahor ciida gaalada.

Jesus Vallejo and Santiago Solari during a training session this...

Jesus Vallejo and Santiago Solari during a training session this...

Liiskan ayaa ah mid ay ka dhex muuqdaan xiddigaha dhaawaca ku maqan ee Casemiro iyo Nacho balse waxa aan kusoo bixin Vallejo oo dhawaan dhaawac kasoo laabtay.

21 jirkan ayaan sidoo kale liiska laacibkii ee Koobka Kooxaha Aduunka kusoo bixin sanadkii hore markii uu laacibkii hoggaanka u hayay Zinadine Zidane isagoo oo dhaawac dhibane u ahaa balse Nacho iyo Casemiro oo iyagu wali dhaawac qaba ayaa kasoo muuqday.

Vallejo ayaa la filayaa inuu kusoo bilawdo kulanka ay kooxdiisu caawa oo Khamiis ah la ciyaari doonto Mellila ciyaar ka tirsan Copa Del Rey inkastoo uu si weyn uga qalbi jabi doono inuu seego liiska kooxdiisa ee tartankan cajiibka ah.

Tartankan ayaa la ciyaari doonaa inta u dhaxeysa 12-ka ilaa 22-ka bishan December iyadoo Real ay kulankeeda ugu horeeya ee afar dhammaaddka tartankaas ciyaari doonta 19-ka bishaas, Waxaana ay Final-ka tartankaas haddii ay usoo baxaan dheeli doonaan 22-ka bishan.

Halkan kaga boggo liiska Solari uu u xushay tartanka Koobka Kooxaha Aduunka.

Goolhayayasha: Thibaut Courtois, Keylor Navas, Kiko Casilla.

Daafacyada: Dani Carvajal, Alvaro Odriozola, Sergio Ramos, Raphael Varane, Nacho, Marcelo, Sergio Reguilon.

Khadadka Dhexe: Casemiro, Marcos Llorente, Toni Kroos, Luka Modric, Isco, Marco Asensio, Dani Ceballos, Federico Valverde.

Weeraryahanada: Karim Benzema, Gareth Bale, Mariano Diaz, Lucas Vazquez, Vinicius Junior.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII