LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RASMI: Kooxda Manchester City oo ku guuleysatay horyaalka Premier League 2017-18

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa ku guuleysatay caawa horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan 2017-18, kaddib markii laacibkii ku soo xigtay ee Man United ay guuldarro kala kulantay West Brom.

Kooxda West Bromwich Albion ayaa kulan goordhow soo dhammaaday oo ka tirsan hoyaalka Premier League waxa ay 1-0 uga adkaatay laacibkii kaalinta labaad kaga jirta horyaalka Premier League ee Manchester United ciyaartaasoo ka dhacday garoonka Old Trafford.

Kulankan ayaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0, laakiin laacibkii fadhisa halka ugu hooseysa horyaalka Premier League ee West Brom ayaa ugu dambeyn 1-0 uga badisay laacibkii uu hoggaamiyo Jose Mourinho, taasoo Man City u sahashay inay xaqiijisato hanashada horyaalka Premier League caawa.

West Bromwich Albion goolka qura oo ay ciyaarta guusha ku adkaatay waxaa u dhaliyey 73’daqiiqo Jay Rodriguez, kaddib markii uu ka faa’iideystay koorno la soo qaaday oo uu madax ku dhaliyey, Man United ayaana 1-0 looga adkaaday.

Natiijadaas ayaa ka dhigtay in Man City loo caleemo saaro hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan 2017-18, iyadoo horyaalka uu ka harsan yahay shan kulan.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII