LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RASMI: Jamei Vardy oo heshiis cusub u saxiixay koxdiisa Leicester City.

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Weeraryahanka laacibkii Leicester City ee Jamei Vardy ayaa qalinka ku duugay heshiis afar sano ah oo uu kusii joogi doono King Power Stadium.

31-jirkan ayaa lasii joogi doono laacibkii Leicester illaa iyo xagaaga 2022, xilli uu qaadanayo xilli ciyaareedkiisii 7-aad ee laacibkii maaliyadda Buluugg ah ku ciyaarta.

Vardy ayaa u dhaliyay Foxes 88-gool oo ay ku jirto 20-gool oo uu dhaliyay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, tan iyo markii uu 2012 kaga soo biiray laacibkii Fleetwood Town.

Weeraryahanka xulka qaranka England ayaa Leicester City ka caawiyay inay kasoo dallacdo heerka labaad ee Ingiriiska sanad ciyaareedkii 2013-2014 isagoo u dhaliyah 16-gool markaas.

Si la mid ah, waxa uu xubin muhiim ah ka ahaa xiddihii Leicester u gacan geliyay horyaalka Premier League-ga xilli ciyaareedkii 2015/16.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII