LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RASMI: Gareth Southgate Oo Magacaabay Liiska Xulka Qaranka England – Wayne Rooney Oo Soo Laabtay Iyo Wilson Oo Markii Ugu Horeysay Loo Yeeray

Callum Wilson ayaa markii ugu horeysay looga yeeray xulka qaranka England isagoo liiska 28ka ciyaartoy ee uu magacaabay tababare Gareth Southgate kula biiraya Wayne Rooney.

England ayaa la ciyaareysa xulalka Mareykanka iyo Croatia.

26 jirka weerarka uga ciyaara laacibkii Bournemouth Callum Wilson ayaa loo soo yeeray ka dib markii uu todobo gool ka dhaliyay Premier League xilli ciyaareedkan.

Halka Rooney isna loogu soo yeeray kulankiisii 120aad ee xulka England laakiin waa kaliya hal kulan oo gaar ah oo lagu maamusayo shaqadii uu ciyaaryahanka u soo qabtay xulka madaama uu ciyaaraha caalamiga ka fariistay.

Waxaana Rooney bedel xilli danbe ah lagu soo gelin doonaa kulanka Wembley ka dhacaya ee ay England la ciyaarayaan xulka Mareykanka.

Jadon Sancho ayaa isna booskiisa ceshtay laakiin looma soo yeerin da’ yarka kale ee Reiss Nelson kaasoo la filayo inuu qeyb ka noqdo xulka da’dooda ka yar tahay 21 sanno.

Go’aanka Rooney loogu abaalmariyay kulankiisii 120aad ee ciyaarta Wembley ka dhaceysa 15ka November ayaa aheyd mid kala qeybisay afkaarta jamaahiirta xulka Three Lions.

Kabtankii hore ee England ayaan wadankiisa u ciyaarin ku dhawaad muddo labo sannadood ah laakiin kulanka waxaa loogu magacdaray Wayne Rooney Foundation International iyadoo xiriirka kubada cagta ay caawiyeen inay suuqgeeyaan kulanka tabarucaada ah.

Waxaa la rumeysan yahay in 33 jirkaan uusan ku soo bilaaban doonin ciyaarta sidoo kalena lama siin doono lambarkiisii 10aad.

Madaama uu kursiga keydka ka soo muuqanayo waxa ay la micno tahay inuusan xiran doonin kabtanimada xulka mar kale.

Xulka England ee lagu dhawaaqay:

Goolhaye: Marcus Bettinelli, Jack Butland, Alex McCarthy, Jordan Pickford

Daafac: Trent Alexander-Arnold, Ben Chilwell, Lewis Dunk, Joe Gomez, Michael Keane, Luke Shaw, John Stones, Kieran Trippier, Kyle Walker

Khad Dhexe: Ross Barkley, Dele Alli, Fabian Delph, Eric Dier, Jordan Henderson, Jesse Lingard, Ruben Loftus-Cheek, Harry Winks

Weerar: Harry Kane, Marcus Rashford, Wayne Rooney, Jadon Sancho, Raheem Sterling, Danny Welbeck, Callum Wilson


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *