LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Rasmi: Bayern Munich oo xaqiijisay in Vidal qaliin dhanka jilibka looga sameyn doono

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Tababaraha laacibkii Bayern Munich Jupp Heynckes ayaa saxaafada si rasmi ah ugu xaqiijiyay in Arturo Vidal qaliin yar dhanka jilibka looga sameyn doono.

Vidal dhaawac ayaa soo gaaray maalintii shalay ahayd xili uu tababarka Bayern ku jiray waxaana laga cabsi qabay inuu mudo dheer garoomada ka maqnaado.

Macalin Jupp Heynckes wuxuu yiri “Vidal dhaawac yar ayaa dhanka jilibka midig kasoo gaaray waxaana lagu sameenayaa qaliin asigoo mudo kooban maqnaan doono”

“Hal mid ayaan idiin xaqiin karaa in Vidal uu yahay dagaal yahay si dhaqsi ahna usoo kaban doono”

Bayern ayaa habeen dambe Semi Fiilaha DFB Cup la cayaareyso naadiga Leverkusen sidoo kalena Vidal waxay u badan tahay inuu kooxdiisa ka maqnaan doono labada lugu Semi Fiinaalaha Champion-ka oo ay la cayaari doonaan Real Madrid.

25-ka April ayaa lugta kowaad Semi Fiinaalaha lagu cayaarayaa Allianz Arena halka todobaad kadib Bayern iyo Real ku kala bixi doonaan garoonka Bernabue.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII