LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RASMI: Barcelona Oo Lamarbar Cusub U Gacan Galisay Philippe Coutinho, Ciyaartoydii Soo Xidhay Iyo Xidigii Ugu Danbeeyay Ee Uu Lamarkan Barca U Soo Xidhay.

Kooxda Barcelona ayaa lamarkii hore ka badashay xidiga kooxdeeda ee Philippe Coutinho waxaana loo gacan galiyay lamarbar cusub inta aanu furmin xili ciyaareedka cusub. Coutinho ayaa bishii January ee horaantii sanadkan lacagtii abid ugu badnayd ee ay Barca ciyaartoy ka soo bixisay kaga soo wareegay Liverpool waxaana markaas loo dhiibay lamarka No.14.

Philippe Coutinho ayaa isku diyaarinaya xili ciyaareedkiisii ugu horeeyaye ee Barcelona oo buuxa isaga oo qaybtii labaad ee xili ciyaareedkii la soo dhaafay muujiyay in uu si sahlan ula qabsanayo laacibkii Valverde waxaana hadda loo gacan galiyay No.7 ka laacibkii Barcelona.

Lamarka 7 aad ee Barcelona waxaa hora u soo xidhay ciyaartoy badan oo magac wayn lahaa iyada oo qaar kale oo ka mid ahi ayna wax qabad badan ku soo muujin. Arda Turan ayaa ahaa xidigii ugu danbeeyay ee Barcelona u soo qaatay No.7 ka inkasta oo aanu wax qabad fiican ku soo muujin.

Ciyaartoyda bandhiga cajiibka ah ku soo sameeyay No.7 ka hadda Coutinho uu u wareegay waxaa ka mid ahaa David Villa, Pedro Rodriguez, Henrik Larsson laakiin waxaa ciyaartoyda lamarkan soo qaatay ka mid ah Luis Figo oo isaga laga masaxay taariikhda Barcelona.

Philippe Coutinho ayaa qayb ka noqday halyayadii Barcelona ee soo xidhmay No.7 tan iyo xili ciyaareedkii 1995/96 kii markaas oo ay lambaradu ahaayeen kuwo xadidan.

Halkan kaga bogo tirada ciyaartoydii Barcelona u soo xidhay Lamarka 7 aad ee maanta Coutinho sida rasmiga ah loogu wareejiyay iyo ciyaartoy kastaaba waqtigii uu soo xidhay:

  • Luis Figo (1995-2000)
  • Alfonso Pérez (2000-2001)
  • Javier Saviola (2001-2004)
  • Henrik Larsson (2004-2006)
  • Eidur Gudjohnsen (2006-2010)
  • David Villa (2010-2013)
  • Pedro Rodríguez (2013-2015)
  • Arda Turan (2015-2018)

Laakiin waxaa wali sii banaan lamarkii uu Andres Iniesta ka baxay iyada Barcelona wada xaqiijin doonta lambarada cusub ee ay kooxdeedu qaadan doonaan inta aanu xili ciyaareedka cusubi furmin.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *