LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

QORSHE: Manchester United Oo Dhigtay Qorshihii Ugu Dambeeyay Ee Ay Ku Qancinayso Anthony Martial & Xalka Ay Soo Wadaan Oo U Muuqda Mid Macquul Ah!!.

Kooxda Manchester United ayaa u muuqata mid salka u dhigaysa qorshayasha ay ku doonayso inay kooxdeeda mudo dheer kusii hayso da’yarka ree France ee Anthony Martial oo mudooyinkii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay inuu laacibkii ka baxayo.

Tababaraha laacibkii ee Jose Mourinho iyo Martrial ayaa u muuqday kuwo aan sii wada joogayn mudo dheer kaddib isku dhac toos ah iyo xidhiidh xumo labadan shaqsi ka dhex dhashay balse arrintaas ayaa u muuqata mid laga soo gudbay haatan.

Martial ayaa kulamadii ugu dambeeyay wacdaro usoo dhigayay kooxdiisa kaddib markii uu afar gool kasoo dhaliyay saddex kulan oo xidhiidh ah oo Premier League ah laacibkii ayaana haatan soo wada qorshe ay heshiis mudo dheer ah kaga saxeexanayso.

Qorshaha ay maamulka Man United maaganyihiin ayaa ah mid laga soo ogaaday il ku dhaw laacibkii, Shaqsiga wararkaas soo tebiyay ayaana sheegaya in Man United ay isticmaalayso awood dhaqaale oo ah sheeko qancin karta xiddigan si uu heshiiska u kordhiyo.

Shaqsiga ku dhaw Red Devils ee aan magacisa la shaacin ayaa yidhi “100 Milyan ayaa nagaga baxaya inaan keeno bedelka Martial, Mustaqbalkiisu waa inuu halkan United noqdo, Waxa jiray calaamado dhiirigalin samaynaya”

“Heshiis ayaa la gaadhi karaa, In kooxdu ay haysato 12 kale oo ay dookh ahaan ugu dari karto qandaraaska haatan ayaa dib u dhigtay in labada dhinac ka fikiraan wada-xaajood”

“Man United markasta waxay ku xalisaa lacagta marka ay danta ugu fiicani ugu jirto laacibkii, Sii haysashada Martial waa ujeedada ugu sarreysa haatan”


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *