LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Liverpool Barbaraha kala Kulantay Watford – Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka?

Kooxda Liverpool ayaa barbaro ku bilaabatay kulankeedii ugu horeysay ee xilli ciyaareedkan ee horyaalka Premier League ka dib markii ay barbaro 3-3 kala kulmeen laacibkii Watford, waxaana banaanka u soo baxay dulduleeladooda dhanka daafaca, iyadoo Mohamed Salah uu shabaqa soo taabtay kulankiisii ugu horeysay ee rasmi ah ee uu Reds u ciyaaro.

Qodobka hadal-heynta

Liverpool waxa ay u baahan tahay inay la soo saxiixato ugu yaraan hal daafac ka hor inta uusan suuqa kala iibsiga xirmin.

Waxaa banaanka la soo dhigay xeebta ay leedahay taatikada xirada ee tababare Klopp qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo Watford ay dhalisay labo gool oo jilcan. Alberto Morena ayaa si lama filaan ah loogu soo bilaabay daafaca bidix halka Dejan Lovren uu u muuqday mid howsha ay ka badan tahay. Ma waxaa la joogaa waqtigii ay la heshiin lahaayeen Southampton oo ay isku dayi lahaayeen inay la soo wareegaan Virgil van Dijk?

Xiddiga garoonka

Roberto Firmino (Liverpool): Inkastoo uu aamusnaa qeybtii hore ee ciyaarta, xiddiga reer Brazil waxa ay nolosha ku soo laabatay qeybtii labaad isagoo rigoore si sahlan ku dhaliyay islamarkaana caawiye ka ahaa goolkii seddexaad ee ay Liverpool dhalisay ee uu saxiixay Mohamed Salah. Kubadaha uu dhigayay waxa ay ahaayeen kuwa cajiib ah isagoo dhigay kubadii uu Joel Matip birta ku garaacay.

Qiimeynta Ciyaartoyda

WATFORD: Gomes 5, Janmaat n/a, Kaboul 6, Britos 5, Holebas 5, Chalobah 5, Doucouré 7, Amrabat 6, Cleverley 6, Pereyra 6, Okaka 7

Bedel: Femenia 5, Richarlison 5, Gray 6

LIVERPOOL: Mignolet 6, Alexander-Arnold 6, Lovren 5, Matip 5, Moreno 5, Henderson 5, Can 6, Wijnaldum 4, Salah 7, Mane 8, Firmino 8.

Bedel: Milner n/a, Origi n/a, Gomez n/a

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII