LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Chelsea Guuldarrada Kala Kulantay Burnley – Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka?

Kooxda Chelsea ayaa ku bilaabatay difaacashadeeda koobka horyaalka Premier League si niyadjab leh ka dib markii ay guuldarro 3-2 ka soo gaartay laacibkii Burnley oo marti ku aheyd Stamford Bridge, iyadoo Blues ay ciyaarta ku dhameysatay iyagoo sagaal ciyaaryahan ah. Kabtankooda Gary Cahill ayaa casaan toos ah qaatay bilowgii ciyaarta, halka Cesc Fabregas isna kaarka cas loo taagay ciyaarta oo 10 daqiiqo ay ka harsan tahay.

QODOBKA HADAL-HEYNTA

Gary Cahill ma yahay daafaca ku haboon inuu Chelsea kabtan u noqdo? Cahill ma ahan ciyaaryahan dhib badan, laakiin sidoo kalena ma ahan nin ku fiican wareysiyada. Waxa uu u mudaa midka iska dhexdhexaad ah, laakiin marka la eego boosaska badan ee uu Azpilicueta ka ciyaari karo iyo qaab ciyaareedkiisa joogtda ah, waxaana habooneyd inuu noqdo hogaamiyaha laacibkii marka loo eego daafaca Ingariiska ee u nugul qaladaadka.

XIDDIGA GAROONKA:

Sam Vokes (Burnley): Waqtigaan la joogo ma ahan weeraryahan lagu yaqaano gooldhalin badan, laakiin boos qaadashadiisa iyo jawaab celintiisa degdega ah hogaan raaxo leh u dhiibtay Burnley qeybtii hore. Awoodiisa uu ku hogaamin karo weerarka iyo islamarkaana uu ku jahwareerin kara daafaca nugul ee Chelsea ayaa Burnley wadada u furay ka dib casaankii Cahill.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

Chelsea: Courtois 6, Rudiger 6, Luiz 6, Cahill 5, Azpilicueta 6, Kante 6, Fabregas 5, Alonso 7, Willian 6, Batshuayi 5, Boga 6.

Bedel: Christensen 6, Musonda 6, Morata 7.

Burnley: Heaton 8, Lowton 7, Tarkowski 7, Mee 6, Ward 8, Gudmundsson 7, Cork 6, Hendrick 6, Defour 6, Brady 6, Vokes 7.

Bedel: Arfield 6, Walters 6.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII