LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Qiimeynta Ciyaartoyda Kulanka Ay Barcelona Sida Sahlan Uga Badisay Villarreal – Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka? Kumaase Ugu Liitay?

Lionel Messi iyo Luis Suarez ayaa shabaqa soo taabtay iyadoo Barcelona ay soo ceshatay hogeenkeeda shanta dhibcood ee La Liga ka dib markii ay si raaxo leh 2-0 uga badiyeen 10 ciyaaryahan oo Villarreal ah.

Kooxda hogaamineysa La Liga ayaa si weyn ugu baahneyd guul madaama ay labadii kulan ee ka horeysay kulankaan ay barbaro galeen, waxaana ay haatan laacibkii tababare Ernesto Valverde ay ku soo laabteen wadada guusha iyagoo sii xajistay hogaankoooda.

Todobo maalmood kale ayay sugayaan Barcelona ilaa iyo ciyaartooda xigta iyagoo Nou Camp ku soo dhaweyn doona Deportivo halka Villarreal ay u safri doonto laacibkii Celta Vigo.

Xiddiga Garoonka – Luis Suarez (Barcelona)

Xilli ciyaareedkan uma aheyn xilli ciyaareedkiisii, waxaana ay qeybtii hore ee ciyaarta ay u muuqatay in Suarez uu carro jiq la ahaa madaama calanka offside-ka dhowr jeer lagu taagay. Sidaasi oo ay tahay xiddiga reer Uruguay ayaa diiday inuu quusto, waxaana uu ahaa mid halis weerar ku qaadayay Villarreal had iyo jeer isagoo mashquuliyay daafacyada. Waxaana u sii dheer inuu shabaqa soo taabtay islamarkaana guul muhim ah ku hogaamiyay laacibkii Blaugrana.

Xiddiga Ugu Liitay: Daniel Raba (Villarreal)

Xiddiga khadka dhexe ee Villarreal Daniel Raba ayaa kooxdiisa ka dhigay kuwa aan rajo laheyn markii ay ciyaarta socotay muddo saacad ah isagoo qalad halis ah oo aan meel dayin ku galay Sergio Busquets, garsooraha ayaana ka labalabeynin inuu kaarka cas si toos ag ugu taago Raba. Waqtigii uu casaanka qaadanayay ciyaarta waxa ay aheyd barbaro goolal la’aan ah, iyadoo daqiiqadii 72aad iyo 83aad ay goolasha kala dhaliyeen Luis Suarez iyo Lionel Messi oo Barca ku hogaamiyay guul ay u qalmeen.

Qiimeynta Ciyaartoyda

Villarreal: Asenjo (6), Costa (5), Victor Ruiz (5), Alvaro (6), Mario (6), Soriano (7), Rodrigo (6), Semedo (7), Trigueros (7), Raba (4), Bakambu (5).

Bedel: Rukavina (6) Castillejo (6).

Barcelona: Ter Stegen (8), Sergi Roberto (6), Denis Suarez (5), Pique (6), Vermaelen (6), Alba (8), Rakitic (6), Busquets (6), Paulinho (5), Messi (7), Suarez (8).

Bedel: Subs – Vidal 5, Alcacer 7, Gomes 5.


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII