LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Pogba, Kante & Mane – Waa Sidee Xaaladda Ciyaartoyda Ka Dhaawacan Shanta Kooxood Ee Ugu Waaweyn Premier League & Waqtiga Ay Soo Laaban Karaan.

Kadib laba isbuuc oo ay ciyaartoyda kubadda cagta soo guteen waajibadkooda qaranka, waxaa dib u furmi doona todobaadka soo aadan horyaalada kala duwan ee qaaradda yurub, waxaan si guud u eegeynaa xaaladda caafimaad ee ciyaartoyda shanta kooxood ee ugu waaweyn horyaalka Premier League & mudada ay kusoo laaban doonaan garoomada.

Kooxaha Arsenal, Manchester United, Chelsea & Liverpool ayaa dhibaatooyin ka dhaxlay safarkii ay xidigahooda ku aadeen qaramadooda madama ay ka dhaawacmeen: Fellaini, N’Golo Kante, Sadio Mane & Shkordan Mustafi kuwaas oo aan ilaa iyo haatan si rasmi ah loo ogeyn waqtiga rasmiga ah oo ay kusoo laaban doonaan kooxahooda.

Shanta kooxood ee ugu waaweyn horyaalka Premier League – kaliya dhibaatooyinka dhaawac ma aysan soo gaarin xidigahooda iyagoo ku guda jira waajibaadka qaran ee sidoo kale waxaa jira xidigo horay uga dhaawacnaa.

MANCHESTER CITY:

Manchester City waxaa dhibaato dhaawac ka qaba dhawr ciyaartoy, Fabian Delph ayaa noqday midkii ugu dambeeyay kaasoo aan la ogeyn waqtiga uu soo laabanayo.

Sergio Aguero: Jabniin ayaa kasoo gaaray feeraha, mana la oga waqtiga uu soo laabanayo.

Benjamin Mendy: Dhaawac dhanka jilibka ah, April 18-keeda ayuu soo laabanaya.

Vincent Kompany: Kubka, October 14 ayuu soo laabanayaa.

MANCHESTER UNITED:

Dhawr ciyaartoy ayaa ka maqan Jose Mourinho, waxaana ugu dambeeyay Fellaini oo ay dhibaato kusoo gaartay ciyaarahii qarankiisa Belgium-ka.

Marouane Fellaini: Dhaawac jilibka ah, October 28

Phil Jones: Jilibka, October 14 ayuu soolaabanaya

Michael Carrick: Kubka, October 14 ayuu soolaabanaya

Paul Pogba: Dhaawac muruqa bowdada, lama oga waqtiga uu soo labanayo.

Zlatan Ibrahimovic: Dhawac jilibka, January 1 ayuu soolaabanaya

Marcos Rojo: dhaawac jilibka ah, December 26 ayuu soolaabanaya

LIVERPOOL:

Liverpool waxaa soo wajahay dhibaato weyn markii uu ka dhaawacmay Sadio Mane, dhaawac muruqa ah ayaa soo gaaray, lamana oga waqtiga rasmiga ah ee soo laabashadiisa.

Dejan Lovren: Dhabarka, lama yaqaan waqtiga soo laabashadiisa.

Adam Lallana: bowdada, lama yaqaan waqtiga soo laabashadiisa.

Nathaniel Clyne: dhabarka, lama yaqaan waqtiga soo laabashadiisa.

ARSENAL:

Shkodran Mustafi: Bowdada , lama yaqaan waqtiga soo laabashadiisa.

Laurent Koscielny: October 14 ayuu soo laabanaa

Calum Chambers: Hip, October 14 ayuu soo laabanaa

CHELSEA:

N’Golo Kante: Muruqa, lama yaqaan waqiga soo laabashadiisa.

Alvaro Morata: murqua October 18 ayuu soo laabanayaa

Danny Drinkwater: Kubka, October 14 ayuu soo laabanayaa

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII